Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Farmaajo Waa Lagu Maranyahay .. Odayaashi Mogdisho Oo Sheegay In Sabirki Ka Dhamaaday

Thursday - June 6, 2019



Mogdisho- Mid ka mida ah ka qayb galayaasha shir dhacay ayaa warbaahinta u akhriyey war murtiyed ka soo baxay Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah wax-garadka gobolka Banaadir ayay ku dhawaaqeen in dowlada dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay caburin ku heyso Shacabka Muqdisho.

Waxgaradka waxa ay sheegeen in ay sameyn doonaan Maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso Shacabka Caasimadda.

Waxa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho loo kala qeybiyay labo qeybood oo ay adag tahay in la iska kala Gudbo maadaama inta badan ay xiran yihiin Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ayaa xusay in haweenka badan ay ku umuleen Wadooyinka islamarkaana aysan wax naxariis ah ka helin dowladda Soomaaliya oo sii xirtay Wadooyinka.