Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Taliyaha Guud Ee Poliska Jeneral Bashiir Oo Kolba Taako Loo Dhigaayo .. Korneyl Saadiq John Oo Weli Ku Soo Indha-Cad Amar Diido

Saturday - June 8, 2019


Khilaaf xooggan ayaa iminka ka dhex aloosan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Bashiir Cabdi Maxamed “Ameerko,” iyo Taliyaha qeybta Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo dadka intiisa badan u yaqaanaan (Saadaq Joon).

Sida wararka ay sheegayaan Khilaafka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Maxamed Ameeriko iyo Saadaq Joon ayaa ka dambeeyay ka dib markii Generaal Bashiir uu amar ku bixiyay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee loo yaqaano (Haram-cad) ee tababarka siiyay Dowladda Turkiga loo diro iney kala dhex galaan maleeshiyo hubeysan iyo Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku horfadhiyo xaafadaha Jaamacadaha oo Dowladda ay dooneyso iney dadka rarto si dhulka danta guud Dowladda ula wareegto.

Saadaq Joon oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka madax adeegay amarka taliyihiisa,isagoona sheegay inaan Ciidankaasi ka qeyb galeyn dagaal lagu barakacino dada shacab ah,taasina waxay sababtay in labada mas’uul uu ka dhex qarxo.

Wararka arrintaan la xiriiro oo aan heleyno ayaa sheegaya in Saadaq Joon qorshahan uu u diiday arrimo la xiriira hab beeleed oo deegaanka la doonayo in dadka laga raro waxaa u badan dad ku heyb ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay (Saadaq Joon).

Taliyaha Ciidanka Qaybta Booliska banadir Saadiq John ayaa xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo amarkiisa uu ku shaqeeyo.

Maalmo ka hor ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo ciidamo hab beeleed u abaabulan ayaa ku dagaalamay xaafada jaamacadaha ee magaalada Muqdisho markii la damcay in guryaha ku yaalo halkaasi dadka rayidka ah laga saaro.