Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Dhurwaagi Kudmo Doontay Ee Isagi La Soo Kuday .. Askarti Sacuudiga Oo Kabash-Kabash Dabir Nafsak Bisinka Iyo Garabsi Diimeed Subxaana-Laah Ku Waalatay

Sunday - June 9, 2019



War ka soo baxay hogaanka hawl-galinta Maleeshiyaadka Xuutiga ee markaan la sheegay iney ka dagaalamayaan xuduuda Sacuudiga gaar ahaan goobo ka mida magalada Najaraan ee ku teedsan xadka Sacuudiga, ayaa la sheegay in gobaha Aagaas ee degaanka Najraan u socdaal ku tagay wasiir difaaca Xuutiga-Yaman Sareeye Gaas Maxamed Naasir Al-Caadifi, kaas oo sida ay sheegtay kormeer ku kala bixiyey goobaha ay xutiyiinta ka qabsadeen askarta Sacuudiga.

Wasiir difaaca oo ka tirsan maamulka Xuutiga ayaa warkiisa ku tilmaamay in Sacuudi-yiinta faankooda hoosta ka qalalan ay kolba ciirsdaan boqolaal koron-koro Qawleysato caloosha shaqeysato ah oo isugu jira Mareykan, Ingiriis iyo Faransiis iyo kuwa kale oo iyagana habow ah oo laga keenay dhinaca Suudaan iyo waliba booko xaaraam tuute loo galiyey, waxaa kalo ku jira caloosha shaqeysato Bakistaani-yiin ah, kuwaaso dhamaantood ay muddo afar sano ah dulaan ku soo qaadayeen dhulka Yaman, iyagoo bartamaha magaalooyinka Sanca, Xudeyda iyo Sacda ku soo ridayeen gantaalo holac dayuuradeed tuuraya, Madaafic higleyneysa, hasa ahaate markasta oo ay soo duulaan Naf ma leh oo wey yaacan iyagoo meydkooda sita waxaa kalo jeneraalku yiri: maanta waxay joogta ninki shaki dhaansanaayow ogow in guushi na raacday kadib markii aan qabsanay aagag badan oo ku teedsan xuduuda Najraan.

Ciyaartu waa gabagabo oo haddu dil-dilaacaya dulmigi ay naga galeen ayuu Jeneraalku yiri, oo hadaa xiisaheedi no bilaabatay oo waxay hadda afka saartay buu yiri Waqtigi Guusha oo Libintaan maanta na soo meertay waa dhambaal aan u soo bandhigeyno Odeyga reerka u weyn Boqor Salmaan iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan oo weydiisaneyno iney joojiyaan damaca iyo lagdanka colaadadeed, macangag-nimada qaawan iyo duulaanka ummada Yaman.