Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Trump Ee Uf Iyo Akh La Yiri Sanka Laga Sii Qabsaday Oo Laga Keenay Mooshin Kalsooni Kala Noqosho

Wednesday - July 17, 2019



Horay Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yiri afar hablood oo ka tirsan Aqalkan.

Islamarkii la meelmariyay qaraarka, xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga .. Xildhibaan Al Green ayaa diiwaangaliyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Donald Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan in ay horey usii wadaan arrinka xil ka xayuubinta Trump xilli xubno badan oo xisbiga ah ay arrintaas ku baaqayaan.

Xildhibaanka mooshinka keenay oo kasoo gala gobolka Texas ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf darro , kana dhigay meel lagu maadeysto.

Trump ayaa ka hadlay qaraarka la ansixiyay, isaga oo ammaanay midnimada xisbiga Jamhuuriga, isaga oo markale weeraray hablaha afarta ah oo uu ku eedeeyay in ay wax xun ka sheegeen Maraykanka, iyo Israa’iil.

Qaraarka la meel mariyay ayaa qoraya in dhammaan dadka Maraykanka, marka laga reebo dadkii loogu yimid meesha iyo kuwii Madoowga ah ee addoonsiga loo keenay in ay yihiin muhaajiriin ama firkii dad muhaajiriin ahaa.

Waxa kale oo mooshinka lagu xusay in waddanimada aysan ahayn isirka qof, ee balse ay tahay hadba sida uu qofka ku difaaco dastuurka oo ku dhisan sinnaan, xoriyad, ka wada mid ahaansho iyo waliba dimoqoraadiyad.