Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Trump Oo Sacuudiga Isaga Soo Dhigay Rasuul U Soo Daahiray .. Donald Trump Oo Weli Si Dhib-yar U Maalaya Sacuudiga "Good Cow"

Sunday - July 21, 2019



Donalad Trump ayaa weli goobaha taageera-yaashiisa ku kulmaan ku sheeg-sheega in qaab xeeladeysan uu lacag uga helo Sacuudiga .. hadalkaas markasta ka soo yeera madaxweyne Trump ayaa inta badan xusa inu Balaayiin lacg doolar u si dhib yar uga helo boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweyne Trump oo hadal ku dhagiisa yahay " Make America Great Again" ayaa wararkiisa ololaha doorashadiisa ku sheega in Sacuudiga ay yihiin xulufo wanaagsan oo dhaqaale badan soo galiya Shirkadaha Mareykanka gaar ahaan soo nooleeyey shirkada badan oo horay shaqo la'aan suuqa uga baxay.

Trump ayaa horay u yiri: waxa kaliya ee ay haystaan Sacuudiga waa lacag caddaan ah, waxay naga iibsadaan waxyaaba badan, horayna waxay nooga iibsadeen 450 bilyan oo doolar, Wuxuu intaa raaciyay inay jiraan dad doonayay in xiriirka loo jaro Sacuudiga, balse isaga uusan dooneyn in uu lumiyo  Sacuudiga oo Sac la maalo u ah mareykanka

Trump wuxuu fagaarayaasha ku sheegay in ugu dambeyn ay ku heshiiyeen in Sacuudiga uu ka qaato Nus bilyan doolar, waxaana uu u muuqday qof ku faanaya lacagta badan ee uu ka helay amiirka dalkaas hadda ka taliya ee maxamed Bin Salmaan .. wuxuu tlimaamay in hal wicitaan oo kaliya uu ku helay lacagta intaas dhan, taas oo laga dheehan karo in haddii maamuladi hore caddaadis ay saari lahaayeen Sacuudiga ay ka heli lahayeen lacag intan ka badan.

Dowladda Sacuudiga oo ay bariga dhexe isku hayaan dalal ay kamid tahay Iran ayaa madaxweyne Trump wuxuu horay u sheegay in dowladda Sacuudiga aysan sii dhisnaan karin laba asbuuc, haddii Mareykanka uu meesha ka baxo.

Hadalka madaxweyne Trump oo u muuqday mid uu ku faanayo qaabka uu lacagta uga helay Sacuudiga ayaa ilaa iyo iminka waxan ka hadli dowladda Sacuudiga oo iadu u muuqata iney si fiican isugu dhiibtay baada Trump

Mareykanka oo Sacuudiga ka taageero dhanka milateriga, gacanna ka siiyo dagaalka uu ka wado Yemen ayaa inbadan lagu cadaadiyay in uu joojiyo taageerada milateri ee uu siiyo Sacuudiga, waxaana dowladda madaweyne Trump aad loogu dhaliilay sidii ay u garab istaagay dowladda Sacuudiga oo lagu eedeeyay dilka wariye Jamaal Khashoggji oo CIA-da Mareykanka ay sheegtay in uu wax ka ogaa dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salman.