Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Bulshada Somalida Oo Ku Soo Toostay War Naxdin Leh .. Fahad Iyo Farmajo Oo Ku Dhawaaday Iney Calooshu Socoto .. Dawlada Qatar Oo Noqotay Hooyada Qaraxyada Somaliya

Tuesday - July 23, 2019


Wargeyska New York Times ayaa war laga naxo faafiyey kaas oo lagu eedeynaayo in dawlada Qatar ay cariga somaliya ka wado hawlgalo la rabo in dalka somaliya looga ceyriyo saameynta ay iimaaraadka ku leedaya somaliya

War cod Talefoon oo laga duubay Ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar oo ay heshay wargeyska New Yorka Times ayaa sheegaya in safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar,

Codka ku wada-sheekeystay taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku yiri "Waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso. sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska DP World ee dekedda Boosaaso, waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi.

Safiirka ayaa kadib ugu sheegay ganacsade Al-Muhanadi in weerarada loo fuliyey si Imaaraadka loogu qabso inay ka cararaan Soomaaliya, laakiin ganacsade Al- muhandi oo jawaabaya ayaa yiri: Saaxiibadeena ayaa ka dambeeyey weerarkii ugu dambeeyey

Mar ay New York Times wax ka weydiisay codka la helay, ganacsade Al-Muhanadi iyo dowladda Qatar midna ma beenin sax ahaanshaha wada-hadalka taleefon, oo ay si sir ah u duubeen sirdoonka dowlad kale oo aan magacooda la dhabin

Dhinaca kale Inta uu socday wada-hadalka ganacsadaha reer Qatar ayaa safiirka u sheegay inuu xiriir la leeyahay xubnaha ka tirsan qoyska madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ka caawin doona in heshiiska dekekdda Boosaaso laga soo wareejiyo shikadda DP World ee Imaaraadka laguna beddelo shirkad Qatari ah.

Isla markaa Safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem oo ay xiriir la sameysay New York Times ayaa beeniyey inuu garanaayo Al-Muhanadi, wuxuuna damiyey taleefonka.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale sheegtay inaysan faro-gelin arrimaha dalalka madax banaan, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysay aysan ka wakiil ka ahayn dowladda.

Dhinaca kale warar laga xigtay siyaasiyiin ka ag dhaw Farmaajo ayaa sheegaya in wararka kashifmay ee laga xigtay wada hadalka safiirka Qadar iyo ganacsadaha Al-Muhandi ay muujinayaan in warki xanta ee horay loo sheegi jiray in Qadar ay ka dambeyso qarxyada ka jira somaliya ay markaan cadaatay, isla markaana ay farta si gaara ugu godontahay Fahad Yaasin oo gacan saar gaara la leh sirdoonka Qatar