Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sir Fakatay Oo Ka Hadleysa Qaraxi Ka Dhacay Gobolka Banadir .. Diifta Kala Gaartay Wakiilka UN Mr. Jemes Swan Iyo Kheyre Iyo Cidi Ka Dambeysay Qaraxa La Dhigay

Thursday - July 25, 2019



Warar illa shalay hawada sulux-sulxeynaya oo la isku dhaafsanaayo dacalada caalmka ayaa sheegaya in Khyre Iyo Jemes Swan isku maan-dhaafeen kulan-koodi dhawaanta ahaa, kuwaaso isku fahmi waayeey hanaanka doorashada dalka iyo siyaasada guud ee geedi socodka.

Waxaa la yiri Jemes Swan wuxuu kheyre u sheegay in isaga iyo farmaajo ku fashilmeen dastuurkii, balse la baal maray wixi horay loo wada dhigtay ee sharci afgarad ahaa, taaso u ku tilmaamay in dalka ay ka jirto xasilooni daro siyaasadeed iyo shabaab oo aan laga xoreyn gobolada dalka, sido kale Mr James Swan wuxuu tilmaamay in dawlada ay ku fashalmatay doorashadi Qof iyo Cod ee 2021, isla markaana ma jirto ayuu yiri qorsha cad oo ku saabsan hanaanka doorashada, wuxuu kalo wakiilka James warkiisa raaciyey in ciidamadi isku dhafka ee qaran lagu guuldareystay, balse wax walba too late yihiin .. hasa ahaate Kheyre oo qosol gawsku muuqdo ayaa ka dhawaajiyey in dalka lagu maamuli-doono kolba sida aan is leenahay wax waa lagu qaban-kara

Wakiilka Mr, James Swan ayaa sido kale tilmaamay in dawladu faragalin qaawaan ku hayso maamulada gobolada sida Galmudug oo ay doorashadi af-duubeen, isla markaana qalalaase ku hayaan Puntland iyo Jubaland iyo wixii shacab reer Baydhabo qunbulado rasaasa lagu qoor-gooyey iyo duul aan waxba galabsan gawda ku haysaan. 

Warka na soo gaaraya ayaa intaa ku daraya in Kheyre iyo Fahad Yaasin ay ka gadoodeen warka James dhiiguna ku kacay, waxayna u arkeen in Jemes horor ku yahay qorshahooda la xariira abaabul-kooda doorashada 2021 ee ay ku doonayaan iney talada dalka si dadban iyo si toosaba la wareegaan, sidaa daraadeed waxay is tuseen intusan qorshahooda araxda ka jabin la iska qabto .. waxaa la aaminsan-yahay in fahad iyo Kheyre ay si wada jira iska kaashadeen sidu Jemes Swan meesha uga bixi lahaa hilfaha loo qaado, waxaana war aan weli runtiisa la xaqiijin sheegaya in Gabdha is qarxisay si amaankeeda u sugnaado ay habeenki ku barisay guri u leeyahay Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada Mr. Cabdiraxmaan Dheere oo horay caan ku ahaa dilka Madx Jabiska, waxaana yoolku ahaa waa sida la yiriye in Mr. Jemes lagu Khaarajiyo Xafiiska gobolka Banaadir, ee looma socon ayaa la yiri injineer Yariisow

 Cabdiraxmaan dheere waxaa la aaminsan-yahay illa hadda inu si fiican ugu xiran yahay argagixisada Shabaab dhinaca kalana u xiriir fiicana la leeyahay Fahad Yaasin .. Cabdiraxmaan dheere beel ahaan wuxuu ka soo jeeda Shiikhaal dadka yaqaana oo warkaan maqlay waxay yiraahdeen cabdiraxmaan waa nin waxa lagu sheegaayo aan la beensan-karin