Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Allaah Waa Awood Badane Meel Waba Jooga .. Allaah Waa Awood Guud Ee Maamula Koonka Iyo Wixii Ku Dhex Jira Ee Dadka Jinka Malaaiigta Sheydaanka Iyo Wixii Soo Raaca Leh

Sunday - July 28, 2019


Alle, Allah, Ilaah iyo Rabbi .. Waa awooda guud ee maamula koonka iyo wixii ku dhex jira ee dadka, Jinka, Malaa'igta, Shaydaanka iyo wixii soo raaca leh. 

Sida ku xusan diinta Islaamka: ilaahay waa Aqoon-badane .. Waa Awood-badane, meel walba jooga, wax kasta maqla, wax kasta arka, wax kasta og, kan ugu wanaagsan, siduu doono yeele, waligiis soo noolaa, waligiis noolaan doona, waxba aan dhalin, asaga la dhalin, Kan ugu weyn, Kali, Kow, naxariis badane, ciqaab adke, Kan ugu horeeya, Kan ugu dambeeya .. Boqor Boqorka boqorada, Deeq badane, Nabadgelye, Hanuuniye, Toosiye, Abuure iyo astaamo badan oo kale.

Alle waa kan abuuray dunida wixii ku dhexjira ee nool iyo aan noolayn, meereyaasha, qoraxda, xidigaha, hawada, biyaha iyo guud ahaan Koonka. Sidoo kale, ilaahay Asaga ayaa maamula dhamaan nolosha, dhimashada, arsaaqada iyo wixii la halmaala.

Ilaahay (SWT) waa kan abuuray dhamaan nolosha, isla markaana maamula jiritaanka, calafka, nolosha iyo dhimashada wakhtigooda .. Sida kitaabka Quraanku inoo sheegay awoodaha Alle waxaa ugu waawayn abuurida cirka iyo dhulka, iyo duunyooyinka kale, malaa'igta, dadka, jinka iyo dhamaan noolaha ku dhexjira koonka. Sidoo kale, waxaa jira jano iyo cadaab la isku xisaabin doono aakhiro.

Kelmada "Allah" waxay ka timid luuqada Carabiga ah ee uu ku soo degay kitaabka Quraanka ee saldhiga u ah diinta Islaamka .. Dhamaan dadka qaatay diinta Islaamku waxay sidoo kale isticmaalaan magacyada Alle ee luuqada carabiga ah. Waxaa jira 99 Magac oo Ilaahay (s.w) leeyahay, kuwaasi oo dhamaan xusaya weeynida iyo astaamaha Alle.
Dhamaan diimaha ka jira caalamka waxay ku salaysan yihiin caabuditaanka Ilaahay, waloow ay siyaabo kala duwan u sharaxaan oo u cibaadeystaan .. Diimaha la isku yiraahdo "Abrahamiga" oo ku abtirsada Nabi Ibraahim (c.s) (kuwaasi oo kala ah Islaamka, Masiixiga waxay dhamaan aaminsan yihiin oo ka mideeysan yihiin inuu jiro Hal Alle, kaasi oo ah Kan abuuray dhulka iyo cirka iyo wixii ku dhexjira.

Si kastaba ha ahaatee, diinta Islaamka waxaa ku xusan jiritaanka iyo weeynida Alle, waxaana marar badan dadka la xasuusiyaa awooda Allah iyo mucjisooyinkiisa. Talaabada koowaad ee marka qofku soo galayo diinta Islaamka ayaa ah Shahaadada taasi oo sheegaysa in qofkaasi qirayo in Alle jirin Ilaahay mooyee, Nabi Muxamedna yahay rasuulkiisii.