Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hogaamiyihi Ahlu Suna Marku Hunguri Qaaday Hubsiimadi ILaaway .. kheyre Dabki U Ka Oogay Galmudug Oo Ku Dawakhay

Sunday - July 28, 2019



R/W Kheyre Ciidamo isaga si gaara uga amar qaata ayuu u diray deegaanada Galmudug, kuwaaso la sheegay in dib loogu soo celiyey mogdisha oo markii hore diyaarado looga daabulay, waxaana celintooda ay timid kadib markii Ahlusuna Ciidamo fara badan oo hubeysan ay dhigteen garoomada diyaaradaha ay maamulaan .. waana marki labaad oo diyaaradaas la celiyo

Askartan oo 100 ka badan ayaa lagu celiyay Hawada, waxaana qorshahooda uu ahaa inay ka degtaan magaalooyinka Cadaado ama Gaalkacyo, si ay safar dhanka dhulka ah ugu soo galaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Laakiin Kheyre ayaa amray inay Muqdisho dib ugu laabtaan, maadaama ay is bedeshay xaaladda Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa la soo sheegayaa inay xalay isla qaateen in askar tira yar la geeyo magaalada Dhuusamareeb, laguna biiriyo askarta Ahlusuna, si ay wadajir u xaqiijiyaan ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashada, Balse waxaa saaka lagu soo toosay, iyadoo garoonka Ugaas Nuur ay Ahlusuna ku xiratay qoriga Zuuga loo yaqaan, iyagoo ku hanjabay inay burburin doonaan diyaaradii Ciidamo sida ee magaalada soo caga dhigata, waana taa mida keentay in askarta dib loogu soo celiyo Muqdisho.

Arrintan ayaa sare u sii qaaday khilaafka Xukuumada iyo Ahlusuna, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada uu ka qarxo dagaal, maadaama Ciidamo kala duwan ay isla joogaan, iyadoo ay socdaan kulamo wajiyo kala duwan leh oo salka ku haya xiisada taagan.

Ahlusuna ayaa dareensan in hadii askar la geeyo xarunta gobolka Galgaduud ay meesha ka bixi karto saameyn-tooda, waxaana ay la cabsi qabaan in haddii amniga magaalada lagala wareego ay dhacdo si la mid ah tii ka dhacday Baydhabo bishii December, xilligaasoo ciidamo la geeyay magaaladaas oo ka qeyb qaadanayay sugida amniga doorashadii Koofur Galbeed ay xireen Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta, isla markaana xariggiisa ay sababtay rabshado dad badan ku dhinteen.

Waxaase La sheegaya in Raisul wasaaraha Somalia u markaan qorsheynaayo inu u guuro magaalada Cadaado ka dib markii la xallin waayey khilaafkii xoogganaa ee soo kala dhexe galay isaga iyo Ahlusunna.

Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is faham la’aan uu ku soo dhamaaday kulamo illaa xalay u socday Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaanka Ahlusuna.

Khilaafka ugu wayn ayaa ka yimid cidda gacanta ku heyneysa ammaanka magaalada Dhuusamareeb oo la doonayo in lagu qabto shirka dib-u-heshiisiineed ee loogu diyaar garoobayo dhismaha maamulka.

Ahlusunna ayaa diiday in ciidan aan iyaga hoos tegin la geeyo Dhuusamareeb, Waxaana guul darreystay dadaallo uu hormuud ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo la doonayay in arrinta lagu xalliyo.

Khilaafkaas ayaa sababay in Khayre uu isu diyaariyo inuu u guuro magaalada Cadaado oo sidoo kale loo wareejinayo gogosha nabadeed iyo doorashada Maamulka Galmugud