Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Amakaak Iyo Yaab .. Maamulka Xarunta Xalane Oo Diiday Inu Fahad Yaasiin Ka Qayb Galo Shir Looga Hadlaayey La Dagaalanka Argagixisada

Tuesday - July 30, 2019


Wararka ka imaanaya magaalad Muqdisho gaar ahaan dhinaca xarunta xalane ayaa sheegaya inuu muran ka taagan yahay go’aan xarunta Xalane loogu diiday taliye ku-xigeenka hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ee NISA, Fahad Yasin Xaaji Dahir.

Fahad sidoo kale waa ku-simaha taliyaha NISA isla markaana waa ninka ugu awooda badan Dowlada hada jirta ee madaxa ka yahay Farmaajo, waxaase dhibku ka taagan-yahay waa isagoo lagu shaabadeeyey la shaqeynta kooxda Al Shabaab.

Maamulka Xalane ayaa diiday inuu Fahad ka qeyb galo shir looga hadlayay la dagaalanka Argagixisada oo ka dhacayay xarunta Xalane .. Saraakiisha Amisom ayaa Fahad u sheegay inuu ku jiro dad laga mamuucay iney soo galaan Xalane.

Fahad iyo ciidamo la socday ayaa la sheegay iney isku dayeen iney arrintaas ka gadoodaan oo ay isku dayaan iney xoog ku galaan, laakiin uma suurtoobin, waayo waa sida la sheege Safaaradaha USA, UK iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ayaa ciidamada Amisom ku wargaliyay in uusan Fahad Yasin soo galin xarunta Xalane, sidoo kale xubnaha la socda sida Kulane iyo Sakariye Ismaaciil ayaa laga mamnuucay Xalane.

Fahad ayaa la sheegay inuu u dacwooday madaxweyne Farmaajo isagoo ku doodaya inuu xaq u lee yahay inuu ka qeyb galo kulamada amniga looga hadlaayo ee ka dhacaya xarunta Xalane, laakiin Farmaajo ma bixin karin amar madaama Xalane aaney gacanta ugu jirin Dowlada Soomaaliya.

Sida la sheeg sheego Fahad Yasin iyo xubnaha sar sare ee NISA ayaa inta badan lagu tuhmaya iney gacan saar la lee-yihiin kooxda Al Shabaab, waana mida sababtay in loo diido Xalane.