Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Sunta U Kheyre Qooshay Iyo Siriqda Meegaaran .. Hogaamiyaashi Ahlusuna Oo Ka Gadooday Halkey Gaartay Sheekada Isla Markaana Qorsheynaaya Qaylo Kor U Duusha Iyo Dagaal Cusub

Sunday - August 11, 2019



Maamulka Ahlusuna Ee Fadhigiisu yahay Magaaloyinka Guraceel iyo Dhuusa Mareeb Ayaa wadda Olale ku aadan Hub aruursi ka dib markii uu soo if baxay Xiisad Siyaasadeed oo u dhaxeesa Raaiisul Wasaare Kheyre iyo Hogaamiyaasha Ahlusuna.

Khilaafkaan ka Dhex Taagan labada dhinac ayaa yimid ka Dib markii ay Fuli waayeen Heshiisyo Dhex maray Madaxda Ahlusuna iyo Raaiisul wasaare Xasan Ali kheyre . Sida ay noo Xaqijiyeen ila lagu Kalsoon yahay oo labada dhinac ka agdhow.

Tan iyo markii uu soo if baxay Khilaafka Siyaasadeed ayaa waxaa Degaanada Ay Ka taliyeen Maamulka Ahlusuna ka soconaya Abaabulay Dagaal waxaana Si weyn Looga Dareemayaa Magaaloyinka Guraceel iyo Dhuusa-Mareeb .. Ciidankii ugu Badnaa Ayaa la diyaariyay kuwaas oo ka hor tagayaa Qorsha Dowladda Somaliya ay ku dooneyso in ay Ku af ganbiso Hogaamiyaasha Ahlusuna.