Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 17 September 2019

Nasiib Darada Ku Habsatay Muslimiinta Hindiya .. Dawlada Hindiya Oo Dhalashadi Dalkeeda Kala Noqotay 2 Miyan Oo Muslimiin Ah

Saturday - August 31, 2019



Diiwaan-galin ka qabsoomaysa Gobolka Asam ee dalka Hindiya ayaa caqabad ku noqotay muwaadiniin u badan Muslimiin oo ku dhaqnaa gobolkaas mudo dhawr iyo afartan sano ah.

Liisaskii is diiwaangalinta ee ay maanta dawladu soo gudbisay ayaa waxa diwaangalintaasi is-ka waayay 2 milyan oo qof, taasi oo micnaheedu yahay in aanay xaq u lahayn inay is diiwaan galiyaan, islamarkaana ay meesha ka baxday dhalashadii hindiga ahayd ee ay haysteen.

Dadka aan la diiwaangalin ayaa waxa ay wajihi doonaan in la mastaafuriyo, waxana ay xukuumadu aaminsan tahay in goboka Assam uu xudun u noqday dadka sharci darada dalkeeda ku jooga.

Gobolka Waqooyi bari ee Assam ayay dadwadu rumaysan tahay in dadka ugu badan ee ku dhaqan ay ka soo talaabeen xadka uu la leeyahay dalka Bangaladheesh, kuwaas oo gobolkaas qoxooti ku noqday intii uu socday dagaalkii xoriyada Bangaladhesh dhalyay sanadii 1971, iyagoo aan dib u laaban

Dawlada Hindiya ayaa bixinta dhalashooyinka In kabadan 31 Milyan oo qof ee muslimiinta gobolka Assam ku salaysay wixii ka horeeyay 1971-kii siisay, kuwaas oo ay ka diiwaan galisay.

Hay’adaha xuquuqul insaanka u dooda ayaa rajo xumo ka muujinaya talaabadan ay qaaday dawlada Hindiya, iyada oo hoosta ka xariiqday in dadka ku guul-darayta diwaan-galinta India ay wajahaan xabsi ama musaafuris iyo sidoo kale in ay waayaan xuquuqda ka qeybgalka doorashooyinka iyo in ay codkooda dhiibtaan.