Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Saakaba La Qiraya Cid La Caburin-karo Ma Jirto .. Kismaayo Oo Kulmisay Mucaaradkii Ugu Badnaa Iyo Is Xulufeysi Siyaasad Oo cusub

Thursday - October 10, 2019


Waxaa goordhow caga dhigatay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo diyaaradii sidey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee kulmeel-gaarka ahaa ayaa dhowaan laga celiyay inuu u safro magaalada Kismaayo xilli uu ka soo laabtay dalka dibadiisa iyadoo xiisad ka dhalatay joojintaasi ay socotay muddo toddobaadyo ah.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya xubno ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran. Iyo sidokale Madaxweynihii Hore Somaliya Mudane Xasan Sheikh Mohamud. Siyaasin kale.

Magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.