Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Shiikh Shaakir Oo Jeedaalin Ku Waashay Iyo Dhan U Dhaqaaqo .. Caalamkow Iga Soo Gaar Caga Kuma Taagniye

Tuesday - October 29, 2019



Shiikh Maxamed Shaakir oo ah madaxa xukuumadda Galmudug ahna mid ka mid ah hoggaamiyaasha Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa waraaq cabasho ah u qoray Beesha Caalamka una sheegay in Xiisadda ka taagan Dhuusamareeb ay sabab u tahay Dowladda Soomaaliya.

Waraaqda ayaa lagu xusay in Ciidamada Dowladda ay rasaas ku fureen Xaruntiisa taasoo uu ku sheegay inay aheyd isku day lagu dili rabay sida uu hadalka u dhigay. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Ciidamada Ahlu Sunna ay muujiyeen daganaan isla markaasna aysan ka jawaabin rasaastii lagu soo furay taasina ay aheyd mid ay uga fogaanayeen in colaad ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay qaaday tallaabooyin sharci ah oo ay kamid tahay magaacista guddiga Doorashooyinka Galmudug oo aan laga tashan madaxa xukuumadda Shiikh Shaakir sida ku qorneyd heshiiska Dowladda iyo Ahlu Sunna.

Sidoo kale shiikh Shaakir wuxuu ku eedeeyey inay Dowladda ciidamo badan kusoo daabuleyso Magaalada Dhuusamareeb taasoo qalqal gelin ku ah Amniga Magaalada.

Warqada loo diray Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ku jirtay warqad uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo ahaa heshiiskii Ahlusuna iyo dowladda Federaalka galeen bishii June ee sanadkan, kaasoo ahaa heshiiskii uu qoonsaday Madaxweyne Xaaf ee uu magaalada Dhuusamareeb uga baxay.