Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Tuug Tuug Sheegay .. Ninkii Soo Basaasay Al-Baqdadi Oo Lagu Abaal Mariyey 25 Milyan Doolar

Wednesday - October 30, 2019



Xubin kamid ah ururka Daacish, ayaa kaalin weyn ka qaatay guulaha howl-galkii Mareykanka ee maalintii sabtida lagu dilay hoggaamiyihii kooxdaasi Abuubakar Al-Baqdaadi, sida ay sheegtay Washington Post.

Wargeyska ayaa waxa uu soo xiganayaa saddex sarkaal oo Mareykan ah iyo kuwa gobolka ah, kuwaasi oo si cad u sheegay in xubin aad ugu dhoweyd Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqyadiisa safarka iyo weliba hoyga uu ku dhuumanayey.

Sarkaal ka mid ah saraakiishaas ayaa waxa uu sheegay inay muhiim u aheyd howl-galkii ciidammada Mareykanka ee 26-kii October ogaanshaha hoyga uu ku dhuumanayo Baqdaadi.

Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu ku waramayaa in Xubinta basaaska ah ee soo gudbisay xogtaasi iyo qoyskiisaba in laga saaray magaalada labo cisho kadib howl-galkii guuleystay ee Baqdaadi.

Wuxuuna ku waramayaa in Basaaskaasi la siinayo abaal-marinta Mareykanka dhammaanteed ama bar kamid ah, iyadoo hore uu Mareykanku u shaaciyay in cidda soo sheegtay goobta Baqdaadi uu helayo abaal marin dhan 25-milyan oo dollar.

Sida uu mid kamid ah Saraakiishaasi u xaqiijiyay Wargeyska in basaaskaasi oo aan weli si rasmiya loo shaacin dhalashadiisa, uu yahay Carab Sunni ah, kaasi oo kooxda Daacish kaga soo horjeestay dilka ay u geysteen qaar kamid ah eheladiisa.

Saraakiishan ayaa waxa kale oo ay si wada jira u caddeeyay in Suuriyada Dimuquraadiga (SDF) ay iyadu xubinta basaaska ah ku dhex abuurtay ururka Daacish, iyadoona kadib ku xiray Sirdoonka Mareykanka oo hubiyay run sheegiisa.