Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Aakhiro Iney Tooda Tagi Waa Tu Meel Taale .. Dalka Senegal Oo Laga Furay Masjid Haybad Weyn Leh Ahna Kan Ugu Weyn Galbeedka Afrika

Tuesday - November 19, 2019



kooxaha musllimiinta ee ugu awooda badan dalka Senegal ayaa magalada Daka Ee caasinada Senegal ka furay Masjidka ugu weyn dalka Galbeedka Afrika, kaas oo dhismihiisa lagu qiimeeyey in ay ku  baxaday 50- Milyan oo Dolar.

Masjidkaas waxaa dhismihiisa gacan weyn ku lahaa Masuullinta Mouride ( Brotherhood) kuwaas oo qayb ka ah dariiqada Suufiyada ee u badan dalka Senegal .. Tobanaan Kun oo ruux oo ka kala socda gobolada dalkaasi ayaa maalinti jimcaha ee la soo dhaafay ka qayb galay xafladi furitaanka masjidkaasi oo sido kale lagu casumay xubno ka socday dawlada dalka Senegal.

Masjidka oo loogu magac-daray " Massalikul Janaan"  waxaa dhismihiisa la bilaabay dhawr iyo toban sano ka hor isagoo dhulka u ku fadhiyo gaaraya Lix Hektar ay bixiyeen dawlada dalkaasi oo hogaamisa Boqliiba Sagaasha (90%)