Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Taariikh Gacan Ku Rimis Ah Lama Malmaluuqo Iyo Waxaan Jirin .. Soo Gabagabooday Tolaayeey Yaa Isaaqa

Monday - December 9, 2019



Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa Maanta waxaa ay si awood ah ku galeen kulana wareegeen Hotel Maanta laga furay Magaaladaas .. Ciidamada Booliska oo watay hubka noocya-diisa kala duwna ayaa tegay hotelka, iyaga oo ka dejiyey Calanki Nuurka ee Soomaaliya iyo Kenya oo la surey, xilli ay socotay Munaasabad xariga looga jarayey Hotelka.

Sidoo kale ciidamada Soomaaliland ayaa la sheegay in ay xireen qaar kamid ah Milkiilayaasha Hotelka iyo Wariyeyaal halkaasi u tegay soo tebinta daahfurka Hotelkaasi, waxaana la sheegay in Dadkii ku sugnaa Hotelka ayaa badi la sheegay inay goobta ka carareen, kadib markii Ciidamadu tageen Hotelka, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qeyb-galay Munaasabadda furitaanka.

Ujeedka ka dambeysay arintan oo ciidamada Soomaaliland ay ula wareegeen Hotelka ayaa lagu sheegay inay tahay iyagoo kasoo horjeeda Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah ee la suray Hotelka, iyada oo ay xusid mudan tahay in Soomaliland dhowr mar ay xirtay dad Hargeysa ku xirtay dhar loo ekeysiiyey Calanka Soomaaliya.

Somaliland ayaa horey u sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sidaas darteedna aan calan Soomaali ah lagu dhex wadan karin dhulalka uu ka taliyo maamulkaas, waxayna ilaa hadda ku guuleysan la’dahay inay hesho hal wadan oo aqoonsi siiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan madaxtooyada Villa Somalia casuumaad ugu sameysay wiil dhallinyaro oo ay Somaliland xabsi u gelisay inuu dhar Calanka Soomaaliya ah uu ku dhex watay Magaalada Hargeysa.