Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Tuug-Tuug Buu Ku Xil-qarsada .. Wasiir Beyle Waa Qalay Oo Qaybiyey

Monday - December 16, 2019



Isu-duwihii hore ee kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea qaabilsanaa ayaa bartiisa twitter soo dhigay E-mail uu u diray wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, oo uu Bankiga Dhexe ku weydiistay in lacag Shan milyan oo dollar ah lagu shubo account gaar ah.

Email-kan oo ku taariikheysan bishii March ee 2019 ayaa loo diray guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe, wuxuuna u qornaa sidaan:-

Dear Maryam,
Subax wanaagsan. Sida aan ka wada-hadalnay, waxaan kaa codsanayaa inaad si deg deg ah u qaaddo tallaabooyinka soo socda.

1. Laba milyan oo dollar ka wareeji lacagta Sacuudiga
2. Hormuud waxay 2.5 milyan oo dollar keeni doontaa kowda bisha April, 2019.
3. Nus Milyan waxaa laga soo wareejin doonaa STA (Faadumo ayaan kala hadlay inay sameyso sidaas).

Lacagahan marka la isku darto waa Shan milyan oo dollar. Fadlan ku wareeji akoonka AMNIGA, waxaa loo isticmaali-doonaa dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga.

Mr. Jay Bahadur ayaa u muuqday inuu dhalleeceynayey hanaanka maaliyadda dowladda, wuxuuna yiri “Astaan muujineysa horumarka DF ka samaysay hanaanka maaliyadda.

Emailkan oo ahaa March 2019, oo uu wasiirka maaliyadda ku dalbanayo in akoon hoosaad loogu wareejiyo 5 Milyan oo dollar, isaga oo kaliya sidaas ku samaynay wicitaan taleefon oo loo diray Bankiga Dhexe.”

Mr. Bahadur ayaa goor dambe sharxay inuusan ula jeedin inuu wasiirka ku dhalleeceynayo musuq-maasuq, balse uu tilmaamayey kaliya arrin uu hanti-dhowraha qaranka walaac ka muujiyey.

Beyleh oo arrintan ka jawaabaya ayaa sheegaya in tani ay tahay “si wax xun u fasir ceeb ah” oo laga sameeyey E-mail sharci ah, si loogu wiiqo dadaalalda deyn-cafinta Soomaaliya.