Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Waa Sheekooyin Gaaban Oo Waqti Badan Kaa Qaadaneyn Ee Aad Markaasba Laasaneyso .. ILa Qosol .. Sheekadi Juxa .. Xikmadi Juxa

Wednesday - December 25, 2019



Maalin maalmaha ka mida ayaa Juxa ka qayb galay Aas dad badani isugu yimaadeen .. Ragi Aaska ka soo qayb galay mid ka mida oo juxa ku ogaa inuu si aad iyo aad ah uga baqo Geerida ayaa Juxa weydiiyey " Juxow in meydka la hor socdo iyo in la daba socdo midkee aamin ah.

Ninkaani waxaa u filaayey in Juxa baqan-doono oo cabbaar ka fikiri-doono labada dhinac ee la sheegay ka aaminka u dhaw, laakiin Su'aashaas waxa uu ugu jawaabay si kale oo xikmad badan, waxaanu yiri: "Halka aad doonto ka soco mar haddi aanad ahayen kan naxashaka ku jira"
-----------------------------------
Juxa iyo musharaxnimadiisi Degaanka

Maalin Maalmaha ka mid ahayd ayuu Juxa doonay inuu isu so taago jagada madax-tinimo ee dadki deegankiisa .. kadib inta uu dhawaaq dheer ku dhuftay ayaa laysugu yimi goob fagaara ahayd oo dadku isugu iman jiren .. kadib Juxa inta u Masraxa fuulay ayu dadki u sheegay in uu doonayo inuu degaanka madax u noqdo, waxaanu dadki ka codsaday inay ku taageeraan doonistisa madaxtinimo, isaga oo waliba u tiriyay wax-yaabaha fiican ee uu qaban doono haday doortaan.

Dadkii goobta isugu yimi ayaa Juxa u sheegay inay arinkas aqbali karaan, lakin inta aanay aqbalin arinkas ka hor inuu u sheego waxa uu dadka kale dheer-yahay ee u ku doonayo madaxnimada!!!!
Murashax Juxa waxa uu ku jawaabay "in aan waqti xaadirkan la jogo garan karo qof kasta oo idinka mid ah wxa ay maskaxdiisu ku fikirayso"

Dadkii oo yaaban iskuna qanciyay in hadii taasi run noqoto u murashax Juxa mudanyahay madaxnimada uu doonayo sidaa darteed waxay weydiyeen: " Waa si fiicane bal hada noo sheeg waxa qalbi-gayaga ku jira "!!!
Musharax Juxa ayaa ku jawaabay "Mid kasta oo idinka mid ahi waxa uu hada niyada ku hayaa inaan been sheegayo taasina waa run "!!