Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Wadanka ILeyn Rag-baa Weli Nool .. Fiqi Waa Xildhibaan Wanaagsan Oo Shaqo fiican Haya .. Runtu Sheegay Waa in La Taageero

Saturday - December 28, 2019



Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod dheer ku sheegay wax-yeeladi qaraxi saaka ka dhacay kontorolki hore ee Afgooye- Mogdisho .. Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in halkii la sugi-lahaa ilaalinta shacabka la xasuuqayo maalin walba, taas badalkeeda u Madaxweyne Farmaajo Iyo Kheyre kaligood la daala-dhacayaan sidi ay u sugi-lahaayeen nabad-galyadooda kaliya, oo xayndaabki madaxtooyada uu ku xirto dhagax iyo ciidan oo halkaas ku dhuumaaleysanaya cid u tagi-kartana oo wax u sheegi-karta aysan jirin .. Farmaajo waxaa u moodaya madaxweyne-nimo in ay tahay madaxtooyada oo la seexdo .. Kheyre wuxuu moodaya hadal badnaanta inu ku yahay Aar Libaax oo waliba ka sii libaaxsan-yahay

Xildhibaan Fiqi ayaa sido kale sheegay in amnigi qaranka u ka jeestay shaqadi loo igmaday oo dagaalki la rabay iney ku qaadaan Cadawga ay u weeciyeen maamul gobol-yeedada iyo siyaasiyiinta ka aragti duwan, isla markaana ay badaleen caqiidadi ciidamada Qaran oo ay ka dhigeen kuwa ilaaliya nidaam-kooda aan shacabka u adeegin, balse intaa kuma ekaane waxay ka marin-habaabiyeen shaqadi la rabay iney qabtaan, taaso keentay in maalinkasta ay argagixisadu goosato qayb dhan oo shacabka ah.

Fiqi ayaa Madaxweynr Farmaajo kula taliyey inuusan marin habaabin ciidamada qaranka iyo hoggaankooda isagoo fiirinaya siduu kursigiisa ugu ilaashan-lahaa .. waxuu kalo xildhibaanku ka digay in aan fagaaraha lala soo istaagin war aan xaqiiqo ku dhisneyn oo laga faafiyo kasaaraha ka dhasha qaraxyada dhaca .. Fiqi ayaa u Tacsiyeeyey dadki halkaas ku xasuuqmay wuxuuna eebe uga baryey in alle u naxariisto