Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Sheeko Sarbeeb Ah Oo Ka Tarjumeysa Waxa Somaliya Maanta Ka Jira .. Xukunki Amiir Qarqoosh

Friday - January 17, 2020




Waxa sheekooyinki mid ka mida Amiir Qarqoosh .. meel uu joogay Amiir Qarqoosh baa buuq ka dhacay. Buuqii ayuu u kuur galay inuu hubsado. Wuxu arkay Mayd la sido oo qaylinaya. Maydku wuxu leeyahay: Waar waan nool ahay! Waar ma dhimanine i dhiga oo Naxashka iga dejiya! .. Dadakii Maydka siday iyo dadkii jinaasadda buuqa kicisay la socday markii ay Amiir Qarqoosh arkeen ayay istaagan .. Amiir Qarqoosh wuxuu yiri: Maxaa jinaasadda buuqan ku kiciyay? .. Qoladii Maydka siday ayaa u jawaabay oo yiri: Amiir Qarqoosh, maydku waa Aabahyo oo dhintay. Waanu soo mayrnay oo soo kafanay. Imikana waxanu u sidnay Masaajidka si loogu tukado.

Amiir Qarqoosh maydkii ayuu ku yiri: Maxaad arrintaa ka leedahay? Maydki wuxu ugu jawaabay: Amiir ma dhiman ee waan noolahay. Inaan nolahayna waxa kuu caddaynaya waa anigaa hadlaya. Nimakan i sidaa waa inamadaydii. Nin xoolo lehna waan ahay. Arrintuna wax kale ma aha ee waxay doonayaan inay xoolahaas dhaxlaan.
Dadkii Jinaasadda la socday, oo inamada saaxiibadood ah, ayuu Amiirki la hadlay oo ku yiri: Idina maxay idin la tahay? Waxay ugu jawaabeen: Amiir, sidaa inamadu yiraadeen Aabahood waa Mayd. Waanu soo mayrnay oo soo kafanay. Imikana masaajidka ayaanu u sidnaa si loogu tukado .. Amiir Qarqoosh inta uu ninkii Maydka ahaa ee noolaa la hadlay ayuu ku yiri: Ma waxad doonaysaa inaan dadkaas oo dhan beenyo oo aan adiga ku rumaysto!? Mayd baad tahay! Warkiisa ka baxa, Waar waa Mayde aasa!!!