Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

War Baa U Gaajo Badan .. Sir Fakatay Oo Laga Xigtay Kulanki Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Bixii

Friday - Feb 14, 2020



Sida aan warka ku helnay ayaa sheegaya in Muuse Bixii u ka baryey Raiisal Wasaaraha Itoobiya inu wada kulansiiyo Farmaajo, hadaba inkasto uu isu keenay waxba Muuse Bixii lagama hoos qaadin .. Warku wuxuu tilmaamaya in kulankoodi salaanta ay isku soo boodeen .. Wada hadal kadib oo u furmay labada dhinac waxaa Farmaajo u Muuse Biixi ka codsaday hal arin oo qura oo ahaa in Midninimada Somaliweym la ogolaado, waxaana la sheegay jawaabta Muuse u ka bixixii arinkaas ay ahayed in qadiyada Somaliland ay u taalo guud ahaan shacabka oo isaga shakhsi ahaan kaligiis aysan khuseyn.

Dhinaca kale Muuse oo isagana markiisa codsi u jeediyey Farmaajo ayaa ka dalbaday in Container-ka uu ku xiray Somaliland ka Furo oo sidii hore ee dawladii Farmaajo ka horeeyey ay somaliya ula dhaqmaysay ula dhaqmo, oo wixii Somaliland heli jirtay oo dhan hesho, laakin sida warka lagu helay
Muuse Bixii kama helin Farmaajo jawaab u ku qanco, balse waxaaba lagu yiri: waxaad tihiin Gobol ka mid ah Somaliya oo heshiis aad cid la gali-kartaan ma jirto oo aan soo marin maamulkeyga.

Hogaamiye Muuse Biixi ayaan ilaa hada shacabka somaliland u soo bandhigin wax-yaabaha uu kala hadlay madaxweyne Farmaajo markii ay ku kulmeen Itoobiya, taas badal-keedana waxa jira dhawaaqyo kala duwan oo ka soo baxaya shacabka iyo siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo dalbanaya in kornaylku faah faahin ka bixiyo wada hadalkii uu la yeeshay madaxweyne Farmaajo.

Mucaradka Somaliland ayaa ku doodaya in Hogaamiye Muuse Biixi ayaa markii uu ka soo laabtay safarkiisii Itoobiya si aan loo waydiin kulankii uu la qaatay madaxweyne Farmaajo waxa uu shacabka si indho sarcaad ah ugu jeediyey inuu ka qayb galo tartan ay dawlada Imaaraadku Hargeysa ugu qabanaysay dadka geella dhaqda halka madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho ku soo bandhigay qodob ay shacabku u fasirteen inuu ka mid ahaa wada hadalkii Addis kaas oo la xiriiray raaligelin uu siiyey shacabka somaliland.