Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sir Fakatay .. Abiy Axmed Oo La Soo Hadlay Muuse Bixii Oo Ku Yiri: Nac-Nacleyn Wax Kaa Soconaya Ma Aha Ee Af Jini Iyo Mid Insi Mid Uun U Soo Dhiib Wasiirka Maaliyada Itoobiya

Thursday - Feb 20, 2020



Warar xog-ogaal ah oo ilo muhiim laga xigtay ayaa Oranaaya: Farmaajo uma yeerin Muuse Biixi
ee isagaa waa Muuse ilaa Addis-Ababa orod ugu dhuftay, si uu ula kulmo Farmaajo .. Muuse oo uga ashtakooday Farmajo in cuna-qabteynta laga qaado lagama hoos qaadin, waxaase lagu xiray in uu ogolaado Abiy Ahmed Iyo Farmaajo oo wadda socda in ay Hargeysa yimaadaan, oo marka uu intaas sameeyo baa lagaa debcinayaa baa war cad loogu sheegay .. Muuse waa aqbalay amar-kaas uu soo siiyey Abiy Ahmed .. Hadaba maxaa dhacay intaas ka bacdi?

Iyadda oo sidaas la isku ogaa, iyo markii u Hargeysa soo galay wuxuu arkay halka ay ka taagan yihiin ummadda reer Somaliland imashadda Abiy Ahmed Iyo Farmaajo .. Aakhirkii isaga oo ka walwalsan balanti u soo qaaday waa kii bilaabay galgalasho oo diiday socdaalki loogu iimaan-lahaa 

Sida la xaqiijiyey waxa la soo hadlay Abiy Ahmed, oo Af-buuxa ku yiri: sheekada aad la nac-nacleysay wax kaa soconaaya ma aha, wixii aynu isku ogayn waa in aad fulisaa waana kugu khasab In aanu nimaadno Hargeysa anakoo wadda socona, ee Af Jini iyo mid Insi mid uun u soo dhiib Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya Axmad Shido inta Axadda ka horeysa.

Waxaa warka lagu xusay in Muuse Bixii Al-baabkii uu is lahaa wax ku soo kororso, buu guudka iskaga qafilay, daaqad uu ka dhacana ma laha.