Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Wa-Taas Ceel-Walwaaleed Ku Go'een Wadaamihi .. War Cusub Oo Sheegaya In Muuse Bixii Si Khasab Ah Looga Qaban-doono Dalka Oo Dibada La Dhigi-Doono

Sunday - Feb 23, 2020



War cusub oo illa shalay banaanka sulux-sulxeynaya ayaa sheegaya in shirki qarsoonaa ee Adis-Ababa ka dhacay, waxaa Muuse Bixii lagu wargaliyey in Somaliland la galiyo transition period ( Maamul ku meel gaara)  loona soo guuro Hargeysa oo Hargeysa caasimada noqoto ila mudo 10 sano, oo halkaa Beesha Hawiye iyo Al-Shabaab looga kala baxo, lagana guuro Migdisho .. Maamulada Daaroodna sidaas la ogolysiin-doono .. Muuse oo warkaas kadis ku noqday waa ka gilgishay, laakiin mar dambe oo u meel ka baxo waayey fikir iyo faaqidaad habeenimo galay ayaa maskaxdiisi wax iska badaleen

Waxaa Muuse Bixii si cad loogu sheegay in haddu diido in ay Farmajo iyo Abiy Axmed yimaadan Hargeysa khasab looga qaban-doono dalka oo dibada la dhigi-doono, halkaasna farmaajo waxuu ku heli-doona magac ah soo celiyaha midnimada Somaliya oo dib u soo noqota .. kuna helo in mar kale dib loo doorto .. loogu heesi-doono Hay Hay Weliga Hay 

Sidaas oo ay xaaladu tahay, baa hada waxa uu hogaamiye Bixi bilaabey in uu gaashaan-buurtiisa si hoos-hoose ka dhaadhiciyo in ay aqbalaan heshiis-kaas oo intaa wax ka badan Aanay Jeegaantu sii wadi-karin Maamul gooni u socda .. Warkaas Run iyo Been waxay tahayba hunu-hunidiisa har cad ayey hargeysa iyo Migdisha u dhex lugeyneysa 

Dhinaca Kale, Shiikh Shariif Iyo Xasan sheekh, oo ogaaday sirta ka dambaysa Tegista Hargeysa ee Farmaajo in ay tahay Rarista Xamar ee loogu guuraayo Hargeysa, waxay taa darteed ay shir la qaateen
Cuqaasha iyo Siyaasiinta beelaha Mogdisho. Si wacana ugu sheegeen arimaha uu qoolaayo farmaajo iyo Khyre

Waxaa kalo warku intaa ku daraya in ay Itoobia markii ugu horeysa ay yeelan-doonto Xeeb ay kaga kaaf-toonto Cashuurtii lagaga qaadi jirey Jabuuti iyo Berbera, isla markaana Xeeb loo helo abuuridda ciidanka Badda ee itoobiya, taas oo uu uga kaaftoomaayo Badi u waydiisan jirey Jabuuti iyo Maamul -Goboleedka Hargeysa ka dhisan.

Sidi kale Abiy Ahmed isna waxa loo saxiixi-doona in uu qaato xeebta Zaylac, halkaas oo uu ka dhisi doono Deked la loolanta Jabuuti Asmara iyo Berbera .. Warba waa kan dambeya