Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

War-ba Adaa La Hig Leh .. Axmad Madoobe Iyo Farmaajo Oo Heshiis Loo Soo Bandhigay Diiday .. Cid Qabaneysa Ma jirto Oo Awood Baa Xaalku Maraya

Monday - Feb 24, 2020



War la xigtay xildhibaano ku sugan magaalada Mogdisha ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweyne Maxamed Farmaajo la soo xariiray una ka codsaday in heshiis la dhex dhigo isaga iyo Axmad Madoobe .. Xildhibaanadaas oo weydiiyey Maxamed Farmaajo waxaa u Axmad Madoobe ku haysto oo la doonaayo in la xaliyo .. Farmaajo oo jawaabta siiyey ayaa yiri: Kama Aamusi-karno xaalada ka jirta Jubaland oo Rag talo kama dhamaato, Waqtiguna waa is guraya ficilka Axmad Madoobena wuu ka maran-yahay Qaranimo ee Qarda-Jeexa u jibaaxyo iyo bootada intu iska daayo ha ku soo wareejo Dawlada Fedaraalka Airaboorka Iyo Dekada, isla markaana ha joojiyo caburinta shacbak taaso ah furaha heshiiska

Axmed Madoobe oo warkaas khadka war-is gaarsiinta loogu gaarsiiyey inu Ra'yigiisa aragti ahaan soo dhiibto ayaa dhiniciisa ka yiri: Been Socon-meyso oo Farmaajo xarig lagu xirto ma laha oo wixiisa waa iska walaaq, balse haddi wada hadal iyo heshiis ka dhab tahay ha joojiyo xuduuda sharciga u ka talaabay iyo sheekada Tola'ayey ee u ciidamada ku geeyey gobolka Gedo, isla markaana wada hadalka iyo is fahamka waxaa ka horeya in la wada yeesho talada dalka oo aaney rag gaara kooto ugu xirnaayin dheefta qaranka loo sinaado .. waxaan ogahay ayuu yiri in Farmaajo talo lahayen oo usan xuriyad buuxda ka haysan maskaxda, sidaa daraadeed inta argtidiisa sidaas u shaqeyneyso ma kulmi-karno ee Raali iga ahaada

Xildhibaanadi arintaa heshiisinta loo soo jeediyey, kadib markay ay raad gureen xaqiiqada oo xaajada si dhaba u gorfeyeen waxay ogaadeen in labada dhinac aan siina laysugu keeni-karin, oo arintoodu tahay Jug-Jug meeshaada Joog .. sidaa daradeed ay ku soo gabagabeeyeen ineysan waqti isaga dayicin ee Nin Walba Hortaa Nabiyow Ummadaa .. Maca-salaama