Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Hargeysa .. Dawlada iimaaraadka Carabta Oo Dekada Berbara Dib Ugu Soo Celisay Dooni Ka Qaaday Xoolo Ari Oo Dhamaa 4600 Neef

Sunday - March 1, 2020



Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa dekedda Berbera dib ugu soo celisay dooni bishii January ka qaaday xoolo Ari ah oo dhamaa 4600 (Afar kun iyo lix boqol oo neef).
 
Doonida qaaday xoolahan ayaa barqadii shalay ku soo noqotay dekedda Berbera, iyadoo sidda xoolo dhan 3000 oo Neef oo ka mid ah xoolihii ay qaaday, iyadoo xoolo lagu qiyaasay 1500 oo Neef ay ku dhinteen .. Lama garanayo in xoolaha dhintay ay darxumo darteed ugu dhinteen doonida qaaday dusheeda markii ay dawladda Imaaraadka diiday in la dejiyo iyo inay ku dhinteen Maxjarada dalka UAE.

 Xoolahan ayaa markii la soo dejiyay waxa ka muuqatay tabcaan iyo darxumo, waxaana la geeyay marxjarada Berbera oo markii hore lagu sii hubiyay tayadooda caafimaad .. Ma jiro wax war ah oo ay maamulka Somaliland ka soo saartay xoolahan dib loogu soo celiyay.