Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Maqaleey Warlaay Ma Lagu Waramay Oo Mar Uun Wax Fahan .. Abiy Axmed Waa Ninka Na Wata Ayaa Xusay Dagaalki 1977 Oo Wax Aan La Garaneyn Ka Sharqamiyey

Friday - March 6, 2020


Dagaalki 1977-kii dhex maray Itoobiya uu ujeedkiisu ahaa in lagu xureeya Gobollada Soomaali galbeed ee Itoobiya hoos tago oo hadda loo yaqanno deegaanka Soomaalida waxaa ka soo wareegtay 42 sano.

Sida Daraadeed dalka Itoobiyana maalinti shalay waxaa si weyn looga xusay guusha Karamardha oo ay sheegeen iney ahayd halki ciidanki Soomaaliya lagu jabiyey 1977-kii ciidamada Itoobiyana ay guul ku gaareen .. Xuska Karamardha oo 27-ki sano ee la soo dhaafay ama xilligi ay jirtay dowladdi ay hoggaanka u hayeen TPLF aan la xusin, waxaa hadda xuskeeda dib loo billaabay sanadkan oo uu dalka Itoobiya Ra’isal wasaare ka yahay Dr Abiy Axmed.

R/Wasaare Abiy ayaa sheegay in dagaalkii 1977-ka dhacay wuxuu ku soo beegmay xilli ay Itoobiya la daalaa dhaceysay kacaanka cusub ee dalkaasi ka dhashay, dalka gudahiisana ay ka jireen dagaallo sokeeye, dalalka shisheeye ee Itoobiya soo weeraray si la mid ah ayuu Siyaad Barrana u sameeyey khalad la mid ah .. Dowladdi Mangiste ee xilligaasi jirtay oo shacabka Itoobiya ugu baaqday iney dalkooda difaacdaan ayaa mudda gaaban guul ku soo hoyey oo cadawgi dala Itoobiya soo weeraray ka guuleystay” ayuu yiri.

Raiisal Wasaare Abiy Axmed ayaa hambalyo, sharaf iyo maamusba uga soo jeediyey ciidmadii Cuba iyo Yemen ee Itoobiya iyaga oo ka garab dagaalamaya naftooda qaaliga ah u huray difaaca Itoobiya. Geesiyadi Itoobiya oo naftooda u horay difaaca dalkoodana sida oo kale.

Askarti Cuba ee ay Soomaaliya qabatay kaddibna ay warbaahinta soo horfadhiisisay waxaa ka mid ahaa Carlos Orlando, isaga oo maxbuus ahna wauxuu warbaahinta caalamka uu u sheegay sida ay ciidamada Cuba garab u siinayaan Itoobiya iyo calaaaqaadka labada dal ka dhaxeeya.

Ciidamada Soomaaliya iyo Jabahddi Xureynta Soomaali galbeed oo wada socda waxay soo gaareen Jigjiga iyaga oo dagaalka aad ugu jabiyey ciidamada Itoobiya guula badanna ka soo hoyey.

Kaddibna waxay ciidamada u ruqaansadeen dhinaca Harar waa markaa marka uu Itoobiya waaga ku bararyey oo ay ciidanka ugu badnaa howl gelisay, waxayna Itoobiya magaalada Harar ay ku diyaarisay ciidama ay tiradoodu gaareysay 40,000 .. Ciidamada Soomaaliyana iska caabbin xooggan ayey la kulmeen labada dhinacna waxaa kaga dhintay askar aad u badan.

Dagaalki 1977-kii markuu dhammaaday oo ay ciidamada Soomaaliya dib ugu noqdeen halki ay ka yimaaddeen Itoobiyana waxay dib u qabsatay deegaanka Soomaalida iyada oo ciidamada dalka Itoobiya xilligaasi tacaddiyo badan ay u geysteen shacabka deegaanka Soomaalida.

Inta ay jirtay dowladdi uu hoggaaminayey Mangistu Hayle-Maryam ee Soomaaliya dagaalka la gashay waxay sanad walba xusi jirtay guusha dagaalki Karmardha oo ay ku sheegaan “Jabkii ciidamada Soomaaliya iyo Guushii ay Cidamada Itoobiya dagaalki 1977-di ka gaareen.”

Dagaalkii 1977-kii ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa Itoobiya la soo saftay dalalka Cuba, Kuuyiyada Waqooyi, Yemen, Bariga Jarmalka iyo waddama kale halka uu dalka Cuba oo keli ah uu dagaalka ka howl geliyey 16,000 oo askari.