Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Khawaafkii Loo Xilsaaray Inu Nishaabo Maxamed Dheere Oo Damaciisi Ku Dhamaaday Qabasho

Monday - July 7, 2008

Mogadisho; Muddo sadex bilood laga joogo ayaa gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamed Dheere la soo gaarsiiyey in nin la so xulay caanna ku ah dilka loogu soo xil saaray khaarijintiisa una ku soo maqanyahay.

Ninkaas oo la sheegay inu leeyahay waji waxshnimo laga baqo, waxaa neynaas ahaan loogu yeera  "Shiddo" waxaana laga sii baxshay sifooyino kala duwan oo lagu sheegay inu yahay geesi tilmaaman oo mararka qaarkood xeelado awgeed xirta shaashka iyo indhashareerka dumarka, sida caadada u ahna badana raga u qabto surku ka gooya, balaayanimo intu ka qabana lama seego shiishka xabada, waana nin ay ka go'antahay inu fuliyo heshiisyada dilka u galo, waxay intaa raaciyeen inu yahay nin carrada ka faashada marku wax damacsanyahay.