Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Madxweyne Cagjar Oo Far Waaweyn Tii Shiinaha Ee Burushku U Qalinka Yahay Wax Ugu Dhigay Abiy Axmed .. Cagjar Oo Amaan Iyo Bilad Dahab Ah Ku Taxay Ciidamadi Libaaxyada Ee Ka Qayb Qaatay Dagaalkii 77

Friday - March 6, 2020




Jigjiga-Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafa Muxumad Cumar (Cagjar) ayaa sheegay in dagaalkii sanadkii 1977-dii Somalia ku qaaday Itoobiya uu ahaa mid Gumeysiga looga xoreynayey dhulka Soomaalida .. Dhamaan halgamadii shacabka Soomaali galbeed waxay ahaayeen halgamo gumaysi-diid oo xalaal ah .. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa gumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneyso taariikhdeena. Shuhadadii ku dhimatay difaaca dalkooda iyo dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah, iyagaana muddan Taalo in loo dhiso.

Mustafe Cagjar oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ciidamadii ka qeyb qaatay dagaalkaan ay ahaayeen kuwo gutay waajibkii ka saarnaa sidii ay dadkooda uga xoreyn lahaayeen gumeysiga.

"Waxay ka soo baxeen waajibaadkii ku aadanaa xilliyadii ay noolaayeen. Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood. Taasi macnaheedu maahan shakhsi wuxuu afka ama xar-xariiq ku yiri inuu hirgalin karo” ayuu intaas ku daray Cagjar.

Hadalka Madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muuqda mid jawaab u ah hadal ka soo yeeray R/W Itoobiya oo shacabka dalkiisa ugu hambalyeeyey guushii ciidamada Itoobiya ka gaareen dagaalkii 1977 la galeen ciidamada Somalia.