Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Musllimiinti Bari Iyo Galbeed Yaa Suray Gaaska Iyo Kibriidka .. Dhaxal Sugihi Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan itaal Sheeganaya Oo Amiiradi Qoyskiisa La Soo Galay Seef iyo Geeri Baa Ku Leh

Saturday - March 7, 2020




War Laga Soo xigtay Amir magaciisa runta ah qariyey, balse ka agdhaw Qasriga boqortooyada ayaa bartiisa gaarka ah ku sheegay in Boqorki Sacuudiga Boqor Salmaan u hadda xanuun sakaraad la daala dhacayo oo iiminka sariirtiisa naf ka dhawr ku yahay, oo sida xaalada u egtahay u maal-mahaan dhimasho qarka u saaran-yahay, taaso keentay in Wiilka u dhalay boqor Salmaan ee ah dhaxal sugaha ee la yiraahdo Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lagu tilmaamo Doqon Dilaa ah iyo damaciisa macangag-nimo u wado ay ka go'aantahay inu si la tashi la'aan Qoyska iyo dadka waxna xira waxna gunta u saas ku doonaayo Xilki Aabihiis inu si afgambi ah ula wareego.

Sido kale Ninkaas amiirka sheegta bartiisa warka ayuu ku sheegay in hirta waabari iyo hurdada hore ee maalinti Jimcaha Sadex xubno sarsare ee qoyska boqortooyada Sacuudiga oo u ku jiro nin la dhashay Boqorka ee la yiraa Axmed iyo Tobaneeyo Amiiro kale ayaa sabab aan la shaacin loo taxaabay xabsiyo kala duwan, oo ila hadda aan la garaneyn jihada loo afduubay, wuxuu intaa raciyey oo yiri: waxaa iyadana jeelka loo taxaabay saraakiil sarsare oo looga shakiyey iney xiriir dhaw la yeesheen amiiradaas la xiray ..