Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Cashar Ku Qotoma Aqoon Sareysa .. Fadilat Al-Digtoor Shacrawi Oo Wixii Alle Baray Iyo Su'aashi La Weydiiyey Sidaan Uga Jawaabay: ......

Thursday - March 26, 2020



Fadiilat Al-Digtoor Imaam Shiikh Shacraawi Allaha U Naxariisto, Wuxuu ahaa Caalim Waano iyo Wacdi wixii Alla baray Umadda ka haqbtira .. Wuxuu ahaa Daacigi ugu haystay Tafsiirka Qur'aanka Karimka casrigaan la Joogo .. Imaam Shacrawi ayaa isagoo mar munaasabad Diini ah khudbad ka jeedinaaya wuxuu yiri: Waqti aan ku sugnaa dalka Mareykanka gaar ahaan magalada San-Fransisco ayaan halkaa kula kulmay Nin ka mida Aqoon-yahanada loo yaqaan " Orientalist" kaasoo sida u sheegay diraasad badan ku sameeyey Culuunta-nolosha, Luqadaha, ilbaxnimada, Tan Madaniga iyo mid Diimeed ee Bariga Dhexe.

Ninkaasi oo iska dhigaaya inu ku garasha dheer-yahay barashada Diinta islaamka, wuxuu Su'aal Diinta ku saabsan weydiiyey Imaam Shacraawi oo yiri: Qur'aankiinu Sow Sax Ma Wada Aha .. Haa ayuu ugu jawaabay Shacraawi .. Ninki ayaa haddana yiri: Inkasto ilahaay ku yiri Kitaabkiisa: Ilaahay u sameyn-maayo Jid Gaaladu Muuminiinta kaga guuleysato, hadana Maxay tahay jidka Gaaladu idiin soo marto marka ay idinka adkaaneyso? 

Fadiilat Al-Digtoor Imaam Shcraawi Wuxuu ku Jawaabay oo yiri: Waxaan nahay Musllimiin ee darajada Mu'miniinta ma gaarin .. Ninki ayaa mar kale su'aal ku celiyey oo yiri: Maxa farqi ah oo u dhaxeeya Mu'miniin iyo Musllimiin? .. Imaam Shacraawi ayaa ku jawaabay: Musllimiintu waxay oogaan shacaaiirta islaamka oo dhan sida Salaada, Zakada, Soonka iyo wixii la mida, laakiin culeysyo dhib badan oo la faray ayaa u dheer sida culeys Cilmi, mid Dhaqaalle, Bulsho iyo Askarnimo iyo wixii la mida .. Imaamka ayaa jawaabtiisi si raaciyey oo yiri: Aan is weydiino mxaa keenay dhibtaas taagan? oo si raaciyey: Qur'aanka ayaa lagu sheegay oo ilaahay ku yiri: Carabta Reer baadiyaha ah waxay tiri: Rasuulki ilaahayow waanu ku rumeynay waxaad noo keentay, Amar-kaagana waan u hogaansanay .. laakiin Waxaa nabigi waxyi lagu yiri: Waxaad ku tiraahda Reer-baadiyahaas: islaam-nimadeyda waan ku dhawaaqnay sida daahirka ah, waana u hogaan-sanahay, laakiinse iimaan saxiix ah Quluubtiina ma galin.

Ninki aqoon-yahanka ee Diinta islamka bartay, ayaa haddana su'aal kale Imaamka weydiiyey oo yiri: Haddaba Musllimiinta maxay mashaqada dhibta iyo culeyska ugu jiraan?

Imaamka ayaa jawabay oo Yiri: Taa Qur'aanka ayaa cadeeyey oo yiri:  Musllimiinta ma gaarsiisana darajada iimaanka .. Digtoor Shacraawi ayaa hadlkiisi sii raacshay oo yiri: Haddi aan Tafakur ku sameeyo qawlkaan Alle waxay tahay: Haddi Musllimiintaas ay Mu'miin run ah noqon-lahaayeen ilaah gargaar ayuu u fidin-lahaa, oo waxaa daliil u ah sida Qur'aanku cadeynaayo.

Al- Digtoor Imaam Shacraawi oo hadlki si wata ayaa yiri: Haddi ay Mu'miinin ahaan-lahaayeen waxaa u sugnaan-lahaa Haybad, Sharaf iyo Qadarin weyn ay ku dhex-leeyihiin shucuubta ay ku dhex nool- yihiin dalilna wax u ah kalaamka ilaahay oo uu ku yiri: Daciifnimo Ha Muujinina Dagaalka Lala Galaayo Gaalada, Murugo Iyo Tiiraanyo Ha Ku Muujinina Wixii Uxud Idin Ka Soo Garay oo Ah Dil iyo Dhaawac oo idinkaa Ayaa Ka Maratabo Sareeya, Kana Adag Gaalada Haddi Aad Mu'miiniin Xaq Ah Tihiin oo Rumeysan-tihiin ilaahay iyo Rasuulka.

Al-Digtoor Imaam Shacraawi ayaa hadlakiisi ku soo koobay in arimahaas iyo waxyaabo la mida ay keentay in Musllimiinta ay ku sugnaadaan Musllinimo keliya iyago u gudbi-waayey Marxalada Mu'minimada 
ILaahay wuxuu yiri; badidiina Mu'min ma aha .. Hadaba su'aashu waxay ka taagan-tahay Yaa Mu'miin ah? .. Jawaabta Qur'aanka ayaa sheegeysa oo oraneysa:  Dadka Mu'miininta ah oo loogu balan qaaday Janada Waa: Waa kuwa Macsiyada ka Toobad keenay, Cibaadada ilaahay si Mukhlis-nimo ah u guta, ilaahna ku Xamdiya xaalad kasta oo ay ku sugan-yihiin oo ah Nicmo iyo Barwaaqo iyo xiliga adag sida faqriga, Abaarta, Jirada iyo wixii la mida sida u hoogaan-simada Akhlaaqda wanaagsan iyo ku dhaqanka wixii sharciga Alle faraayo .. sidaa ayaa Imaamka casharkiisa ku soo gabagabeeyey

hits Hits : 2329