Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Nin Hurdow Ka Toos Jiifka .. Dr. M.M. Culusow Oo Ka Daba Tagay Balse Futo Qaawan Ka Dhigay Beenti Maan-dooriyaha Ee Fedaraalku Ka Miisay Deyn Cafinta

Tuesday - March 31, 2020


Guddoomiyi hore Ee Bangiga Dhexe ee Somalya Dr. Maxamuud Maxamed Culusow, oo marar badan qayb ka ahaa gudiyo caalami ah isla markaana ka mid ahaa qaybo kale oo loo xilsaari-jiray odoroska iyo dibu eegista xeerarka ay ku dhaqmaan bangiyada caalamiga iyo kuwa Afrika oo iyadana ah hay'adaha dhaqaalle oo caalamiya, oo markaan u waramay TV-ga Goob-Joog ayaa ku tilmaamay madaxda dawlada Frdaraalka Somaliyeed, kuwo si ula kaca ah u marin-habaabinaaya shacabka gaar ahaa dadka Mustawa-hooda aqoonta xaga xeerarka dhaqaalaha caalamka ay gaaban tahay amase jahligu haleelay ee aan waxaan laba socon.

Dr. Culusow oo sii ka warqab ah arimahaan uga hadlay kana warbixiyey sheekada hadda socota ee deyn cafinta la xariirta, iyo sida dawladu wax u sheegeyso oo kolba sharaxaadeeda si ka warqab la'aan ah hadba meel ku dhufaneysa, ayaa warkiisa ku yiri: 39 Dawladood oo Somaliya bartanka uga jirta oo iska bixin kari-waayeen xajmiga Deymihi ay hore u qaateen ayaa illa hada wada hadalo u socdaan, taaso xarig jiidka iyo ka hadalkeeda maareynta ay qaadatay sanado badan oo dib loogu eegaayo sidi loo khafiifin-lahaa deymahaa lagu leeyaha dawladahaas, taa ka dib markay ka soo baxaan ama meel la isla dhigo ayaa shuruudo khaas ah lagu xiri-doona, oo inta badan ay adagtahay si dawladahaas u fuliyaan ma daama ay meesha soo galeyso in talada dalka lagaalo wareego, amase la'aantood horumar la gaari-karin .. welina hawshaas fari kama-qodna oo ka hadalkeeda waxay socon-karta 5 illa 10 sano inta u dhaxeysa .. mana garanaayo ayuu yiri Durbaanada daran-dooriga u dhacaya ee arintaan looga dan leeyahay, laakiin kolba Somali Sali baay kuwada fadhidaa oo waxba uma kala qarsoona 

Dr. Culusow ayaa sheegay in madaxda sare ee dawlada Fedaraalka ay si ku tala gala sloogan siyaasadeed uga dhigteen hawlaha Deyn Cafinta, hawlahaaso caadi ahaan la mida hawl maamul caadi ah oo la mida jidadka Mogdisho qashinka laga Nadiifiyo, amase saldhig Boolis oo hawl boolis oo si caadi ah u qabtay .. digtoorka ayaa ka digay inaan umadda lagu jaah-wareerin ka been-sheegida maareynta Deyn Cafinta aan waqtigeedi la gaarin