Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Qiiso Dhacday Zamaanki Nabi Nuux .. Sheeko Dhex Martay Nabi Nuux CS Iyo Haweyney Murugo Iyo Culeys Badan Ka Saarnaa ILmo 300 Sano Jir Tiri Waa Iga Saqiiray

Wednesday - April 1, 2020




Maalin Maalmaha ka mida ayaa Nabi Nuux CS, wuxuu arkay Haweyney Oohin la barooraneysa dhulka isla dhaceysa .. Wuxuu weydiiyey sababta ay la ilmeyneyso oo illa heerkaas ay dhulka isula dhaceyso .. islaanti Hooyo, oo u jawaabeysa Nabigeeda ayaa Tiri: Waxaa iga dhintay inankeygi oo soo koraayey.

Nabi Nuux CS ayaa su'aal ku celiyey oo yiri: oo wiilka Cimrigee ku dhintay .. Waxay tiri 300 sano jir buu ahaa iga Saqiiray .. Nabigi isagoo raba inu hooyadaas xaalada Murugo iyo Tiiraanyo ka khafiifiyo ayuu ku yir: Maxaaad sameyn-lahayed haddi aad ku dhex noolaan-lahayed Umad Da'doodu tahay inta u dhaxeysa 60 illa 70 Sano .. Waxay tiri iyadoo la tacajubtay hadalka Nabiga: oo ma waxaa jira Dad 60 Sanadood oo kaliya nolaada .. Nabigi ayaa yiri: Haa .. waxay tiri: oo haddey saas tahay ma waxa jira Dad ilaahay casiya mudadaa gaaban .. wuxuu ku yi: Intooda badan ilaahay bey ku caasiyaan.

Haweyneydi iyadoo yaaban bey Tiri: oo Dunida Dadkaas Jaceyl ma ku baratamayaan iyado noloshooda ay tahay maalmo kooban ah? .. Wuxuu yiri: Haa oo hamigooda ayaa Dunida ah, oo Aakhirana wax yar baa ka fikiraaya .. Haweyneydi iyado hadalkeedi sii wadata ayey Nabigi weydiisay: oo marka Dadkaas umuuro yar yar ma isku qabtaan oo hadlaka ma ka xumaadaa? .. Nabi Nuux oo u jawaabaya ayaa yiri:  waxay isku dilayaan waxa aad sheegisid wax ka liita oon wax qiimaha lahayen oo kala jeedkooda waa badan-yahay oo talaba is qab-dhaaf iyo is qadarin la'aan bey ka yaqaaniin oo dhadhamo yar bey dhaafsanayaan nolosha .. Haweyneydi waxay Nabiga weydiisi in Dadkaas guryo Mindul-yaal ah ma dhisanayaan haddiba cimrigooda sidaa u gaaban-yahay .. Nabigi ayaa yiri: Waxay Camirayaan Qusuur boqolaal sanadood taagna-kara iyaguna waa ka tagayaan .. Haweyneydi ayaa Tiri: Allaa Haddi aan Umadaas la joogi-lahaa Cimrigeeyga waxaan ku dhameysan-lahaa inta aan jiro Qof Sujuudsan .. Nabigi ayaa dhiniciisa ka yiri:  Cimri kasta oo la gaaro ama Da' muddo soo noolaa wax badan soo joogay, God iyo Xabaal baa u dambeyn, geeriduna waxaa Xaq oo Noloshu waa dhabo la wado Ordaayo oo meel qura ah ku dhamaata iyada uun baa loo kala dareeraya.