Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waxaa Garsoorka Sir Iyo Caad Sal Looga Dhiga Qiiraal Iyo Marag Ee Xaalku Ma Aha Miskiin Baa Misko La Fuulo Leh .. Gudoonki Qaadi Ee Xaq Sooraka Sameeyey Oo La Wada Raacay

Thursday - April 2, 2020


Waxaa la yiri mid ka mida dawladaha aan u naqaano Gaalada oo Yurubtaas ka tirsan ayaa maxkamadeeda la hor-keenay Nin Waayeel ah isago lagu soo eedeeyey xatooyo Jab Muufo ah falkaas oo u maxkamada horteeda ka qirtay, wuxuuna sabab uga dhigay in Gaajo u geysay oo markaas xanuun badan ku haysay.

Qaadi Maxkamada oo kiiski dhinacyada ka dhageystay ayaa gunaanadki go'aankiisa Yiri: Adiga waa Ninkaagan lagu soo eedeeyey Tuuga-nimade, falkaaga waad qiratay sidaa daraadeed waxaan kugu xukumay inaad Toban Doolar bixisid Tuuga-nimada darteed, hasa yeeshe waxaan ogahay ayu yiri inaadan helin karin bixinta lacgtaas, sababto ah awoodaada awgeed waxaad xaday jab Muufa ah sidaa darteed aniga ayaa lacgtaas Ganaaxa ka bixinaya, oo markiiba xukunka u riday awgeed dubihi maxkamada miiski ku dhuftay

Dadki hoolka Maxkamada fadhiyey oo xaajaba la yaabay hadalkiiba waa ka soo bixi-waayey, waxayna arkayeen Qaadiga oo Toban Doolar jeebkiisa ka soo saaraya oo amar ku bixinaaya in lacgtaas khasnada dawlada lagu shubo, kadib Qaadigi ayaa intu istaagay ayuu Dadki hoolka fadhiyey ku yiri: waxaan idin ku xukumay in Qofkasta u bixiyo Toban Doolar sababto ah ayuu yiri: waxaad ku dhex nooshihiin Dal bulshadiisa Faqriga ah ku khasbaaya inu Jab Muufo ah xado .. Fadhigi waxaa lagu aruuriyey lacag dhan 480 doolar, Qaaligiina wuxuu lacagti ku wareejiyey Ninki Faqiirka ahaa.

Dalkeena Somaliya iyo meelo badan oo Afrika ka mida faqiirki jab kibis xada waa la xiraa oo qaanuunka ayaa lala tiigsada, iyadoo kan xoolaha dadweynaha xadana wuxuu Rafiiq la yahay oo hantida wada xadaan masuulliinta sare sare ee dalka .. Hora loo yiri haddi aad Miiskiin kula kulantid Wadamada Islaamka oo luf-luf iyo hambo guranaaya, waxaad ogaata inu Nin Taajir iyo Masuul ay Ninkaas xoolihiisi wada dhaceen .. Dadkaas markay soo banaan-baxaan oo ka ashtakoodaan xaq-darada taal, Xabad iyo xarig baa loogu jawaaba iyado lagu eedeynaayo in Dad qaran dumis ah ay dabada ka riixayaan.