Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Madaxweyne Cagjar Oo Dube Weyn La Soo Kacay .. Hogaamiyaha Oromada Jawhar Maxamed Oo Ka Digay Khilaafka Iyo Is Qabqabsiga Ka Jira Madaxda Kilinka Somaalida Ee Itoobiya

Friday - April 3, 2020



Jawar Mohammed ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda sare ee Dawladda Deegaanka Soomaalida, kaas oo sababay in Madaxweyne ku-xigeenku uu maanta duhurkii iskaga baxo magaalada Jigjiga.

Xiisad siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex jirtay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ay la kala safan yihiin golaha Wasiirradu ayaa xalay qaraxday markii uu Madaxweyne Mustafe Cagjar xabsiga u taxaabay Madaxii Baratakoolka Madaxtooyada, isla markaana uu xabsi Guri geliyey Hoggaankii Nabadgelyada, kuwaas oo saaka xilalkii laga qaaday kaddibna loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee Jigjiga.

Khilaafkan oo muddooyinkii ugu dambeeyeyba uu la socday Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaanu wax tallaabo ah ka qaadin, inkasta oo wararku sheegayaan inuu Madaxweyne Mustafe ku amray in aanu wax tallaabo ah qaadi karin.

Siyaasiga Oromada ee Jawar Mohammed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu kaga dalbaday dhinacyada khilaafku u dhexeeyo ee Madaxda deegaanka Soomaalida in aan la joogin wakhtigii la is qabsan lahaa.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook oo ay ku xiran yihiin dad ku dhow laba milyan oo qof, ayaa waxa uu Jawar Mohammed ku sheegay in aan la joogin wakhtigii loollan Siysaadeed ay Soomaalidu dhexdooda ka geli lahayd, laakiin ay tahay inay la dagaallanka xanuunka Coronavirus u guntadaan.