Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Talaxumo Taran Ma Leh .. Trump Iyo Kooxdiisi Oo Xilki Ka Cayriyey Taliye Markab Dagaal Qaada Diyaaradaha Kadib Sirtoodi Culus Fashaliyey

Saturday - April 4, 2020



Kabtan Breet Crozier oo taliye ka ahaa Markabka Dagaal ee USS Theodore Roosevelt ayaa xilka laga qaaday kaddib markii uu sheegay in Ciidamada Badda Mareykanka aysan wax weyn ka qaban xanuunka Coronavirus ee ka dillaacay gudaha markabka qaada diyaaradaha.

Kabtan Brett Crozier wuxuu ku boorriyay madaxda ka sarreysa inay wax ka qabtaan ciidamada Mareykanka ee ku dhimanaya meel ka baxsan dagaalka. Balse sii hayaha Xoghayaha taliska Ciidamada Badda Mareykanka Thomas Modly ayaa sheegay in Kabtanka uusan hubsan wuxuu sheegayo.
Ugu yaraan 100 qof oo saarneyd markabka ayaa fayraska qaaday, sida ay wararku sheegayaan.

Khamiistii la soo dhaafay, Mr Modly ayaa weriyeyaasha u sheegay in Kabtan Crozier loo cayriyay sababo la xiriira inuu warqad u dusiyay warbaahinta, warqadaasoo abuurtay aragti ah in Ciidamada Badda aysan ka jawaabeynin su`aalihiisa waxay kalo abuureysaa aragtida ah in Ciidamada Badda aysan shaqdooda gudaneynin; oo aysan dowladdu shaqadeeda qabsaneynin. Taasi maaha run ayuu yiri

Xubnaha aan qabin fayraska ee markabka ay saarnaayeen in ka badan 4,000 oo shaqaale ah ayaa haatan lagu karantiilay Jasiirada Guam kaddib markii govarnarka jasiiradda Mareykanka ee ku taalla galbeedka Badweynta Pacific uu sheegay inay sii joogi karaan inta ay doonaan haddii aysan dhexgaleynin bulshada .. Ilaa iyo haatan, shaqaalaha markabka ayaa ku sugan saldhiga maraakiibta.

Maxaa ku qornaa warqadda kabtan Crozier?
Wuxuu uga digay Pentagon-ka in xaaladda fayraska ee markabkiisa ay ka sii dareyso, sababtuna ay tahay in shaqaalaha ay ku nool yihiin meel ciriiri ah .. Kuma jirno dagaal oo Shaqaalaha maraakiibtu ma doonayaan inay dhintaan,” ayuu ku yiri warqaddiisa oo afar bog ka koobneyd, kuna asteysneyd 30-kii March.

Kabtan Crozier ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda, isagoo sheegay in shaqaalaha markabka ee aan fayraska qabin ay tahay in laga dejiyo markabka lana karantiilo .. Warqadda ayaa markii dambe waxaa lagu soo daabacay San Francisco Chronicle, taaso Trump iyo kooxdiisa si aan la jacleysan uga falceliyey .