Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Haaruun Amar Diido Anti Ba La Qoray .. Maafiyada Fedaraalka Oo U Soo Bandhigtay Iney Gudoonsiiso Hal Milyan Dolar Si U Xiro Siraha Qufulan U Jabiyo.. Haruun: Dibnahayga Waxaan Baray Xaqa Iney Difaacan

Sunday - April 5, 2020


Warar si dhaba loo xaqiijinaayo oo ka soo dusay saaxiibo si gaara ugu xiran Wariye Haruun Macruuf ayaa laga soo tabiyey inu dawlada fedaraalka ay u soo dirtay Ciyaal Caga-baruur wax karis xun, oo khadka is-gaarsiinta kula soo xariiray, kuwaaso u soo bandhigay inu dadkiisa dhinac ka raaco oo qaato lacag gaareysa Hal Malyan oo doolar iyadoo laga codsaday inu Galkaas xaga arimaha sumcada dawlada wax sheegeeda lagu deg-degin, balse indhaha ka qabsado, hasa yeeshe Wariye Haaruun Macruuf oo hadalka marinkiisa ka leexan, ayaa soo jeedintaas ku gacan sayeray oo yiri: Shaqo fiican baan u haya Mawaadiininta Somali ee xuriyada buuxda ka haysta maskaxda ee majaharaha aan haysto inaan ka leexdo cid aan ka yeelaayo ma jirto, waxaana bushimahayga baray ayuu yiri iney Xaqa difaacaan oo marki dambe ku yiri "Sharaab Edeb Yeesha" taaso aan hadal ka dambeyn, dabadeedna colaad loo qaaday awgeed waxay Nabasugidi qaranka ku dhaqaaqday Talo aan la ruugin oo illa hadda ay ku maqan-yihiin sidi ay Maska weyn Fadhiya VOA Miciyaha uga jajabin-lahaayeen intusan isku marin amase loo toli-lahaa kiishki geeridiisa

Dawlada Mareykanka oo hadalada ka soo baxay hay'ada NISA ee ku eedeysay Wariye Haaruun Macruuf oo ka falcelisay warkaas ayaa Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya lagu difaacay weriye Harun Macruf oo u shaqeeya Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da.

Waxayna boogeeda ku qortay sidatan “Haaruun Macruuf waa weriye xirfadle ah oo la ixtiraamo, una shaqeeya VOA-da, wuxuuna ka mid yahay saxafiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarka NISA wuxuu halis gelinayaa xoriyadda saxaafadda iyo madax bannaanida warbaahinta oo aasaas u ah dimoqraadiyadda iyo dowlad lala xisaabtamo ee Soomaaliya

Bulshada Somaaliyeed ayaa aad uga xumaaday hadal-dhataqlaha iyo Eedeynta NISA u jeedisay weriye Harun Macruf oo illaa hadda aan la ogeyn xaqiiqada waxa ay salka ku heyso ayaa baraha Bulshada ka dhalisay dood weyn, oo la leeyahay dawladu waxay rabta been iyo huu-haa dadka lagu khaawisiinaayo, balse ay moodayaan in sidooda kale ay dadka dhaga xiran-yihiin, waxayna ku taliyeen in maskaxda maran Ee NISA iyo aqoon la'aanta haysa ay miisaankeeda ku kabto aamusnaan.