Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Xaajo Waxaa Loo Dhiiba Nin Xalin-kara .. Sheeko Dhex Martay The Great Imaam Abu-xaniifa Iyo Nin ILaaway Meel U Wax Dhigay

Monday - April 6, 2020




Waxa laga soo wariyey Imaamkii waynaa ee Abu-xaniifa Nucman ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee inuu Nin u yimid oo uu waydiiyey Su’aal Cajiiba, wuxuu yiri; Imaamow, waxaan lacagtaydii ku aasay dhulka kadibna waan waayey meeshaan ku xabaalay, waanan baaray illaa iyo mudo mana aan helin ee Shiikhoow suragal ma tahay inaad ii sheegto lacagtaasi meesha ay taalo? 

Imaam Abuxaniifa wuxuu Yiri; Su’aashani ma aha mid la waydiiyo culumada fiqiga! Kadibna imaamkii Abu-xaniifa mudo ayuu fakaray, wuxuuna marki dambe Ninkii ku yiri; saw doonimaysid inaad hesho halkaad lacgtaada ku xabaashay? waa inaad Tukataa Salaad caawa illaa inta qorraxdu ka soo baxayso.

Ninkii waa baxay oo bilaabay inuu Tukado Salaadii, hase ahaatee markuu dhawr Rakcadood Tukaday ayuu ninkii xasuustay meeshu ku aasay lacagtii kadibna marku Salaadii ka baxay ayuu soo saartay lacagtii .. Subaxii ayuu orod jagac uga siiyey oo wadaadkii u yimid oo yiri; Imaamoow, ilaahay Khayr ha ku siiyo ee sidee ku garatay inaan lacagta helayo? Imaamki wuxuu yiri; waxaan ogaa inaanu Shaydaanku Salaad intaas la eeg kuu ogolaanayn oo markaas ayuu ku xasuusinayaa si uu kaaga mashquuliyo Salaada Ilaahay.

Imaam Abuxaniifa, wuxuu ka mid ahaa Afarta imaam ee dhidibada u taagay Fiqiga Suniga .. Fiqiga waa xeelad aqooneed oo lagu soo saaro xukunka Shareecada .. imaamyadu wax door ah ayey ku kala aragti duwanaayeen waayo hadal waa margi oo hadaba dhinici loo jiido galaaya waana halka ay ka abuurantay waxaa loo yaqaano "Madaahibta" Shaafici, Xanafiya, Xanbaliya iyo Maalikiyada, kuwaaso mid waliba loogu magac daray ninki qeexay 

Dhinaca kale waxaa la yiri islaan Somali ah ayaa iyadoo Salaad ku jirta ayey xasuusatay Lacag Deyn ah oo ay ilaawsaneyd oo uga maqneyd haweyney kale, dabadeedna markay Salaadi dhameysatay ayaa laga sheegay iney Tri: Allow Sheydaan ha noo waayin!