Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Farmaajo Iyo Abiy Axmed Mid Baa Sirane Keebaa Siran Oo Jeebka Lagu Ritay .. Bal Aan Eegno Jawaabta Waa Loo Min Fadhiya

Thursday - April 9, 2020



Dhacdooyin Taariikheed haddi aan dib u xasuusto, Waxaa jiray in xiligi dagaalka Sokeeye dalkaan Somaliya ka socday amase halakeeyey, waxaa magaalada Kismaayo la keenay Hub Iyo Saanad, Hub-kaasoo la yiri Reer Daaroodow qaybsada oo isku difaaca, kadib marki qaybti loo fariistay beelaha inta aan ka ahayen Ugaadeen waxay soo jeedisay in Boqlkiiba 80% la siiyo Beesha Ogaadeen, halka Daarood intiisa kalana ay boqolkiiba 20%  qaataan, waana la isla qaatay Oky

Beeshi Ogaadeen oo waxoodi si gaara qaybsi ugu fariistay ayaa Oday meesha fadhiye hadal dhag loo raariciyey ka sharqamiyey oo yiri: Waryaaya Ogaadeenow War Waan Sira-nahaye Ee Xagee Ka Sira-nahay .. Odagaas waxaa qaadan-waa ku noqotay sida wax loo qaybiyey oo aan dheli-tir ahayen, koleyba Ragi Taladaas qaybinta lahaa waxun bey uga jeedeen oo jaceyl kama ahayen, sida awgeed Odeyga hadalkaas kuma aragti xumeyn oo wixii dhacay baa dhacay

Sheekadaan waxaan uga soo socda, Ninki Axmed Abiy, inkasta isagu laftiisa waqtigaan naftu ka sii khiikh leedahay oo itoobiya sii kala dareereyso, haddana saas ay tahay waa kan fariisan-waayey, oo intaa si rafiiqnimo ah ula meereysanaya Maxamed Farmaajo, oo midba midka kale jaceylka u qabo is Oohinaaya kan kale isu kala Daadinaaya, bal aan is weydiino maxaa meesha yaala, maxaase mid waliba u hilaacay oo danta u leeyahay ay tahay .. Maa daama Maxamed Farmaajo si soco soo soco ku jiro, oo Umadda iyo dawaldiisaba waxba u sheegin, koleyba waa muuqata in labadan waa farmaajo iyo Abyi-ye mid baa Sirane Keebaa Siran oo jeebkiisa lagu jira .. Aan eegno bal jawaabtu waxay noqoto oo Waa Loo Min Fadhiya

Arinta si kastaba ha ahaate wey muuqata in Maxamed Farmaajo Qoomiyada itoobiyaanka iyo madaxdooda inusan aqoon u lahayen gaar ahaan siyaasadooda iyo dhaqan-kooda oo u faraha la galay, waxaa la isku raacay siiba dadka aqoonta dheer u leh in shakhsiga Itoobiyaanka ah darajadu rabao ha yeeshe aan la garan-karin Dhan u jeedo iyo Dhan u ka jeedo oo ma laha ballan siyaasadeed oo Af Iyo Daba toona leh .. Cabdulaahi Yuusf baa laga sheegay inu yiri: Itoobiyaanka ku shaqeyso baan is lahaa laakiin iyagi-ba maraqeyga cabay oo igu shaqeystay .. Maxamed Siyaad baa yiri daalinki Xayle Maryam aan is nabad-galino ayaan ku heshiinay, laakiin taa itoobiyaanka dhab kama ahayen oo waa iyagi Jabhadi SNM inta soo hubeysay ku soo laaday .. Akhristow Sida la cadeeyey itoobiyaan waxay leeyihiin dhaqanka Bisad ee si kasto aad wax u siiso tiraahda Miyaaw-Miyaawo oo micneheedu yahay Ma Adaa wax ii siiyey oo ma rabeysmaan .. waxba lagama dheefo aan ka ahayen Xaasidnimo iyo Wasakh, mana laha hadal maskaxda gala

Riisal Wasaare Abiy wuxuu socdaba wuxuu haddana markaan la yimi sheeko sheegeysa inu wato Qorsha kale oo u rabo inu wada hadalki ka weeciyo Farmaajo oo u wareejiyo Kheyre isagoo ku sababeeynaaya fikir qaldan oo ku saleysan in reer Somaliland ay wax-yaabo badan ka tirsanayaan Madaxweyne Farmaajo oo xasaasiyad gaar ah ka qabaan .. waa farsamo cusub u la galgalanaayo Axmed Abiy oo jaceylkiisa somaliya ee ujeedeysan u markaan alamtara soo dhaafay

Somali wax-yaabo badan oo aan dhicin bay wax kula baxdaa .. Itoobiya mar hore iyo hadaba taariikh ahaan waxay leeyihiin ujeeda qura oo ah iney mar uun burburiyaan midnimada iyo hamiga umadda Somali iyo sidey mar farha ugu dhigi lahaayeen Xeebaha Somaliya, sidaa daraadeed inteysan Oramadu Qoraxda nagu duban waxaa umadda la gudboon in ay toosaan oo ugu yaraan hubiyaan Jaceylka labadaan Masuul waxa u ku qotamo .. Dawlada maanta joogta iyadoo u muuqaneyso iney ku hafaneyso hawlihi loo igmaday gudo iyo dibad ayey haddana ku darsatay in aanay afkeeda iyo ficil-keeda is lahayen .. Waa Dambi Qaran Umana Banaana waana ka xaaraan in Dadka matalaya Qaranka in ay soo galaan Daahir iyo Baadin wax aan lala ogeyn