Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Malak- Almawt Damacsanaa Inu Wiil Labaatan Jira Nafta Ka Qabto Oo Markiiba Laga Joojiyey

Sunday - April 12, 2020



Waxaa la wariyey in Malak-Almawt u yimid Nabi Daauud CSW isago majliskiisa fadhiya .. Nabigi ayaa isu taagay soona dhaweeyey oo ku yiri: Ma booqasha mise Ajashi baa taagan, wuxuu ugu jawaabay Ninkaan dhalinyarada ah labaatan jirka ah ee majliskaaga fadhiya waxaa noloshiisa ka harsan Toban Maalmood ee la soco

Tobanki maalmood waa dhamaadeen Malagiina kuma soo noqon majliski nabiga, laakiin maalin dambe ayaa malagi yimid majliski Nabiga waana la soo dhaweeyey .. Nabigi oo hadalka la horeeyey wuxuu yiri Maalinti waxaad ii sheegtay in Toban maalmood nolosha uga harsantahay, haddana waxaa laga jooga 16 beri .. Malagii oo jawaabaya ayaa yiri: ilaahay baa ii soo diray inaan inankaas Ruuxa ka qabto, laakiin marki la gaaray saacadi balantu ahayed inaan nafta ka qabto ayaa wiilki waxaa ka hor yimid Faqiir oo yiri: Wiilyahow Maalka ilahay ku siiyey wax iga siih .. Wiilki jeebkiisi ayuu gacanta galiyey wuxuuna ka soo saaray Lix diraham oo u gacanta u galiyey Faqiirkii .. Faqiirki waa ducuceeyey oo yiri: Cimrigaaga Allaha dheereeyo rafiiqna Nabi Daauud janada saxiibkiisa ha kaaga dhigo.

Malagi marku holaabay inu nafta ka qabto ayaa durbadiiba dhawaaq ugu yimid xaga ilaahay, waxaana Malagii lagu yiri: Stop Ha ka qaban nafta waa amar .. Malagi ayaa ku jawaabay ilaahow inankaan luqmad u cuno iyo biyo u cabo midna uma harsana oo waxa kali ah aan sugaayo waa ruuxa oo aan ka qaado .. ilaahay Malak -Almawtki wuxuu  ku yiri: Ma arkeysey ninki faqiirka ahaa wuxuu siinaayey mise ma maqleysay ducadiisi haa bu yiri Malagii .. Malagi waxaa la amray inu u tago Nabi Daauud, waxaad ku leedahay: inankii ajashiisu dhamaatay Faqiir baahan baa ka soo hor baxay wuxuuna siiyey Lix Dirham, ilahayna Lixidi Dirham wuxuu ugu badalay Lixdan Sano, wuxuuna ku dhiman-doona 80 sano waana rafiiqaaga Janada.

Qisadani waa qiso ku tuseysay Sadaqada iney fadli badan-tahay sida axaadiis badani ay ku soo aroortay
Qofka wax Sadaqeystana waxuu ka mid yahay Todoba qof ee loo balan qaaday iney maalinta qiyaamaha harsan-doonaan hooska Allah maalintaas oon hoos kale jirin ilaa hooska Allah moyaane sida xadiisyada ku soo aroortay