Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sidey Muhiim U Tahay Waa Sheeko Ka Fog Siyaasad .. Subxaana Alaah Waa Qiso Dhaba Oo Ka Dhacday Jarmalka Iyo Masar

Wednesday - April 15, 2020



Nin Masri ahoo ku noola magalada Qaahira ayaa xanuunsaday waxa uuna u tagay Shay baadr Takhtar oo Masri ah kadib waa la baaray wuxuna uu u shegay Takhtarki in mar dhaw Xididada Wadnaha ee dhiiga qada xirmayaan waxna looga qaban karin dalka Masar! waxa u shegay inuu tago Yurub halkaaso Uu ka helayo cawimaad xanuunkisa ah.

Ninki wuxuu tagay Takhtar ku yaala wadanka Jarmalka oo qaabilsan xanuunada ku dhaca Wadnaha wuxuuna la kulmay Takhtarkii .. Takhtarkii ayaa baaray waxuuna u shegay In wax yar u haray in xididaha Wadnahiisu in ay wada xirmaan, balse lagu samayn-karo qaliiin taasna ay tahay boqolkiba kontan 50/50 mcnaha ama wuu dhiman ama wuu badbaadi.

Niinki aad buu u naxay wuxuuna codsaday Takhtarkii in uu ku laabto labo cisho dalkisi Masar si uu u so Maca-salaameyo ehelki iyo qarabadi qalinka ka hor maadama uu dhiman karo waana uu ka ogalaaday Takhtarkii wuxuse u shegay inuu soo dhakhsado.

Ninki wuxuu ku labtay Masar isago xaafadiisi ku sii socda ayuu arkay gabar meel Hilibka lagu iibiyo agteeda Qashinka lafo ka guranaysa Ninki intuu istagay ayuu su'aalay gabadhi sababta ay lafaha u guranayso .. waxa ayna ku jawbtay ciyaal-kayga ayaan u gurayaa oo labo sano hilib ma ayna cunin waxay sii raacisay lafahan unbaan u kariyaa oo maraq ayaan uga bixiyaa.

Ninki intuu naxay ayuu yiri: ina ken waxa una u geeyay Ninki hilibka iibinayey oo ku dhawa goobta qashinka waxuuna ku yiri gabadhan todobaad kasta way kuu imaaaneysa wixii hilib ay qaadan-karto siih anaa bixinaya lacagta ayadina wuu u shegay.

Gabadhi Intay faraxday ayay u ducaysay duco qalbiga ka soo go'day Allow ku caafi oo ku sii wax walba oo Aad jeceshahay inta aad nooshay ayay tiri gabadhi .. Ninki labo cisho kadib ayuu tagay Jarmalki.

Takhtarkii ayaa baaray inta anu qaliin ku samayn ka hor si loo ogaado natijada qalinkisa iyo meelaha looga samayn lahaa .. Jwabti natijada Takhtarka waxa uu yiri: Wad isa soo dawayse ee yaa ku daaweeyey? .. Ninkii waxu ugu jawbay maya maan is dawayn meel kalena maan aadin.

Runtii Takhtarki wuu u qadan waayay waxayna ku noqotay fajaciso wuxuuna Takhtarkii ku yiri: waxa aad qaadatay Dawo fur-furtay Xididadii oo dhan imikana wadnahagi iyo xiddidadi si fican bay u shaqaynayaan ee yaa ku siiyay Dawadan ayu sii raciyay hadalkisi?

Ninki wuxuu yiri anaa garanaya ka i daweeyay oo waa (ALLAH) oo marki an mid umadisa ka mida u naxariistay waaa i naxariistay .. Ninki wuxu hadalkiisi ku soo gabagabeyey "Alxamdulilah ilaahayba mahad leh kaas oo soo nooleya lafaha markay burburan oo duqooban"