Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Arday Kasta Macallinkiisa ayaa Raad Ku Reeba oo Noloshiisa Aan ILoobin .. Waa Sheeko Dhex Martay Macallin Ku Dhex Seexday Fasalka Iyo Iyo Kuwa Ka Mida Ardadiisa

Saturday - April 18, 2020



Macamlin Iskuul ayaa caado waxa u ahayd in marka uu wax dhigayo uu lulmoodo oo uu fasalka dhexdiisa Seexdo .. Hadaba qaar Ardaydiisii ka mid ah ayaa ku heshiiyay in ay Macalin-kooda weydiiyaan sababta uu fasalka dhexdiisa ugu Seexanayo?

 Ardadi ayaa Macalinki ku yiraahdeen: Macalin maxaad ugu seexataa fasalka dhexdiisa? 

Macalinki ayaa ku jawaabay: Waxan u seexdaa oo aan doonayaa in aan yara gaaro "Riyada Aduunka"amase Axlaam Al-Dunya .. Oo Waa halkee Riyada Aduunka? Ayay weydiiyeen ardaydadii.

Macalinki ayaa ku jawaabay: " Riyo Aduunyo" Waa dunida Riyooyinka ugu wanaagsan" ayuu u celiyay macalinkii .. Ardadi ayaa hadana su'aalay: Maxaad halkaa ku aragtaa?

" Riyadaas Amase Axlaamtaas, waxan ku arkaa Dad wanaagsan iyo Dal wanaagsan. Waxan arkona waan ku farxaa oo waxay i ilow-siiyaan Boorka iyo Busaaradda inagu xeeran” Ayuu macalinki ugu jawaabay.

Maalin dambe ayaa ardaydii macalin-kooda su’aalaha weydiin jirtay qaar ka mid ahi ay  lul-moodeen oo ay fasalka dhexdiisa ku gam'een!

Macalinkii ayaa dabadeeto carooday oo ardaydiisii canaantay oo yiri, "Maxaad fasalka gudihiisa ugu Seexanaysaan?”  waxay yiraahdee: waxanu u Seexanay in aanu tagno Riyada Aduunka- Dunyal Axlaam oo soo aragno Dadkii iyo Dalkii wanaagsanaa ee aad noo sheegi jirtay! 

"Oo ma soo aragteen Dadkii iyo Dalkii wanaagsanaa"? Ayuu weydiiyay macalinkii. Haa, ayeey yiraahdeen laakiin maanu arag macalinkayagii (oo isaga macallinka ayay u-jeedeen)!