Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Arag Mid Ka Mida Nicmooyinka Alle Bixiyo Kuwa Ugu Wanaagsan .. Qofna Niyada Xumaan Ha Ugu Hayn

Monday - April 20, 2020




Rasuulka Allah (scw) iyo Asxaabta oo meel wada Fadhiya ayuu Rasuulku (CSW) ku Yiri: Qofka Albaabkaas ka soo Galaaya waa Ahlu Janno, way Arkeen Asxaabta Qofkaasi .. Maalintii Labaad haddana sidii oo kale ayuu Yiri Rasuulka (csw) isla Qofkii ayuu Noqday .. Maalintii Saddexaadna sidii ayuu Yiri Rasuulka csw, isla Qofkii ayuu noqday.
 
Haddaba, mid Asxaabta ka mid ah ayaa wuxuu ku Fekeray Ninkaan Jannada gelayaa, Bal soo Ogoow waxa uu Camal Sameeyo ee uu ku mutaystay Jannada .. ka dib wuxuu u tagay Ninkii Jannada Gelayay, wuxuuna ku Yiri: "Aabahay ayaan isku Xanaaqanay ee Walaal waxaan doonayaa inaan Gurigaaga kula soo Joogo Muddo yar”, Saxaabigiina wuu ka Aqbalay waana ay is Raaceen.

Haddaba, markuu Muddo Saddex Habeen ah la Seexday, Kuma Arkin wax Camal Weyn oo uu samaynayo Marka laga reebo inuu Habeenkii Salaatu-laylka Tukado oo keliya.

Ka dib wuxu ku yiri: "Waxaana kuugu imi inaan Ogaado Acmaasha Wanaagsan ee aad Sameyso”. Asaxabigii wuxuu ku yiri: " Intaad Aragtay ayaan Sameeyaa, Waxaa ii Dheer oo keliya Habeenkii markaan Seexanayo Aniga oo aan Qofna Niyadda Xumaan ugu Haynin ayaan Seexdaa, Allah (sw) ayaan ka Magan Galaa inaan Qof  Muslim ah Caloosha wax Xumaan ah ugu Qaado”.