Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Qaybti 1-Aad Akhbaarti Zamanki Hore .. Intaan Nabi Aadam La Abuurin Ummadihi Jiri Jiray

Friday - April 24, 2020


Amiirki Muumininta Cali Bin Abi Daalib RC, Oo Arintaa jiritaan-keeda wax laga weydiiyey wuxuu yiri: Intaan Nabi Aadam la abuurin, waxaa la sheegay in la abuuray Umaddo tiro ahaan dhan 28 Umadood kuwaaso laga abuuray Biyo, Dab, Ciid iyo Hawo isku dhafan, oo intooda badan siyaabo kala gaara u abuuran ..  Qaarkood waxay lahaayeen suurado Libaax oo leh madax Shimbir iyo Qaar laba Waji lahaa, waxaa kalo Umadahaas ka mid ahaa Jini iyo kuwa shabaha Jiniga .. Umadahaas oo sidoodaba arag xumaa waxaa ku jiray kuwo dhinac uga ekaa Bani aadamka laakiin madaxooda wuxuu ku rakibnaa caloosha iyo laabta dhexdooda .. Dhamaan Umadahaas marki is-dilkoodi iyo fasaadkoodi batay nooc kasta oo ay ahaayeenba waxaa loo soo diray Malagyo aduunka ka ciribtiray.

Sida kutubta qaarkeed sheegaan Qabiilka Jiniga odagi ay ka soo farcameen, waxaa la yiri isagoo yar oo meel ku dayacan ayaa Samada loo qaaday , halkaasna Malaaiigta ayuu Rafiiq la ahaa waxkasta oo Cilmi ahna ka bartay oo la Tasbixsan jiray Allana kula caabudi jiray, wuxuuna la noola Malaaiigtaas 72-kun Sano, mana jirto Todobada Samo taako aanu ku Sujuudin .. hasa ahaate jini-ibliskaas wuxuu isu qaatay inaaney jirin wax ku gaari kara aqoon, cibaado iyo daacadnimo ilaahay xaga caalamka sare .. sidaa awgeed wuxuu qaaday jirada Kibirka iyo isla-weynida mida ugu culus taaso keentay in marki lagu amray inu u Sujuudo Nabi Aadam yiri; Aniga ayaa ka abuur fiican oo Naar ayaa iga abuurtay isagana Dhoobo .. Wuxuu ilaaway kan amarka siiyey inu yahay ilaahay Caalamka oo aan la caasiyi-karin .. Subanaheena Maxamed csw wuxuu noogu sheegay xadiis ahaan: waxaa ku qoran albaabka Janada laga galo ereyga ah: Janada Ma Galo Qof Wax Yar oo Kibir Ah Qalbigiisa ku jiro.

Jini-Ibliis isago kibirsan ayuu ka baxay safki Malaaiigta, kadibna cara Alle markay ku dhacday waxaa la amray Jundi ka mida Malaaiigta inu awood ku muquuniyo oo dhulka ku shalwiyo, wuxuuna dhulka yimid isago foolxun arag xun, halkaas Qoomamki Jinyada dhulka ku sugnaa ay suuradiisi garan-waayeen, kadibna marku arkay qoomkiisi oo inkirsan, wuxuu aaday xagaa iyo Badweynta oo ka sameystay wax u ku sheegay Carshigi Ibliiska, dabadeedna wuxuu yeeshay dhalmo oo sida bani aadamka ayuu isna dhiniciisa uga tarmaa .. Awlaadiisa alalha ha naga nabadglyee waxay ku faafsan-yihiin oo qas iyo fasaad ku hayaan dunida dacaladeeda.

Waxaa la sheegaa in Ibliskaas Bada Carshiga ka sameystay ay ka farcameen 35 Qabiilo oo 15 ka mida ay yihiin kuwa Hawada duula iyo noocyo kale oo intaba shar wadayaal ah .. qabiil kastana wuxuu leeyahay Boqor iyaga u gaara .. waxaa la sheegaa in qaarkood ku yimaadaan suurad Dumar quruxsan oo markaas guursadaan Raga Insiga ah .. waxaa la tabiyey In saxaabigi Sacad Bin Jubeer u Naag noocaas ah guursaday isagoon ka warqabin, kadibna markay ilmo u dhashay Reerki ay ka soo jeeday ayaa u wacday oo wey duushay ayaa la yiri.