Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Qaybti 7-Aad .. Ku Xirnow Oo Ka Faaiideyso Silsiladi Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Awlaadi Nabi Nuux Iyo Sidey Aduunyada U Kala Qaybsadeen

Friday - May 1, 2020



Sida ay xustay culimadi Kutubti hore ee laga xigtay Taawraah, waxaa la amray Nabi Nuux isaga iyo dadki la socday-ba iyo gaar ahan xoolihi saarnaaba intaba iney dhulka u dagaan .. dabadeed waxay halkaas iyo dhulki Juuda-Ciraaq ka bilaabeen dhismayaal ay ku hoydaan illa ay meeshay ka abuurantay magaalo Alle uga dhigay meel nolol uga bilaamtay oo haddana Barakeysan .. Sida la sheegana Santuukhi u ku jiray Jasadki Nabi Aadam waxay u safriyeen Maka oo halkaas ayaa lagu duugay.

Muddo kadib marki ay bateen farcanki Nabi Nuux oo noqdeen Beelo- Beelo iyo Qabaail, waxaa u soo dusay ibleys oo dhexdooda ka dhe abuuray xasadnino iyo cadawtinimo .. waxaa la sheega in Nabi Nuux intu arkay wiilkiisa Xaam oo fal aan fiicneyn sameeyey, ayuu habaaray oo ku yiri waajigaa gubay oo dhashaada cabiid ha u noqoto Awlaada Saam Bin Nuux .. kadib Xaam oo aan qabin Duco waalid iyo daymo Rasuul, wuxuu dhalay Wiil Koosh loo bixiyey oo midab Madawo yeeshay .. Kooshna wuxuu dhalay wiil loo bixiyey Kancaan oo murtad ka noqday xaga diinta, isla markaana arxan goys ku noqday qoysaski kale ee Reer Nuux .. Kancaan Awlaadiisi waa farcantay oo meelo badan oo arlada ka mida ayey boqoro ka noqdeen .. Reer Kancaan waxay degaan ku yeesheen arlada hadda loo yaqaan falastin, Bilaad Mqarib, Sudaan iyo Masar oo xitaa faraacinta xagooda ayey nasab ahaa ka soo jeedaan .. Kancaaniinta waxaa ka mid ahaa waxshki Jaaluut oo ku baxay Warafki u ku ganay Nabi Daauud CS.

Wiilka Yaafith Bin Nuux .. Culimada Taariikhda qorta, waxay sheegaan in Aduunyada Luqadaha rasmiga ah ee looga hadlo ay dhantahay 72 Af, oo 37 Luqadahaas ka mida waxaa ku hadla Umadaha ka soo jeeda firka Yaafith bin Nuux .. halka Reer Xaam Bin Nuux ay ku hadlaan 33 Luqadood iyo Reer Saam Bin Nuux oo iyaga ku hadla 12 luqadood .. Odagi Xaam wuxuu ku dhinta Cimri 441 sano.

Yaafith Bin Nuux waxaa isaga ka farcamay qabiilada Ruush, Armeniya, Turkiga, indha-yar oo dhan, Furus oo hadda loo yaqaan Iran, Bulgaar iyo Juuju-Wama-Juuju iyo Umada kale oo ka mid ahayed Grigi hore oo waqtigaa ka oran jiray Ruum kuwaaso xaga cilmiga caafimadka iyo cilmi falaga meel sare ka gaaray handasadana ku horeeyey   

Saam Bin Nuux .. isaga waxaa ka farcamay Reer bani israaiil iyo Carab intooda badan oo ilaah ayaa u dooray in shucuubtaas ay ka soo baxaan Anbiyada oo lagu soo dajiyo kutubta Samaawiga ah ..  Saam wuxuu ku dhintay cimri gaaraya 456 sano sido kale wiilkiisi oo la oran jiray Arfakhshad isagana wuxuu ku dhinta Da' gaareysa 430 Sano .. Jinsiga Carabta dhabta ah, waxay ka soo jeedaan Oday Qaxdaan oo ku abtirsada farcanka Saam Bin Nuux, Sidaa darteed Carabta iyo Reer Bani Israil Waxay sheegtaan iney yihiin Semitic People