Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dhacdo Dhab Ah Oo Yaab Leh

Monday - Feb 15, 2016



Maalin maalmaha ka mid ah waxaa jiri jiray wiil yar oo lagu magacaabo Howard Kelly, wuxuu wiilkaan ka dhashay cid sabool ah, wuxuu subaxii dhigan jiray iskuul, galabtiina wuxuu wareejin jiray oo tuulada ka iibin jiray alaabo yar-yar uu ka raadinayo lacag uu iskuulka iskaga bixiyo.

Galab ka mid ah galbihii isagoo wareejinayo alaabtii ayaa waxaa qabatay Gaajo aad u daran maadaama subaxaas uusan quraac helin, lacag uu wax ku gatane muusan haysan, wuxuu ku fakaray in cid ka mid ah cidaha uu wax ka iibinayo inuu waydiisto wax uu cuno, albaabkii ugu horeeyay markuu garaacay, waxaa ka furay, gabar yar oo ay isku da’ yihiin.

Wuu isku naxay wuxuuna ka xishooday inuu waydiisto wax uu cuno laakiin wuxuu ku yiri: koob biyo ah i sii fadlan.
Gabadhii yarayd guriga ayay ku laabatay oo waxay u keentay koob caano oo buuxa.
Isagii oo yaaban ayuu cabay caanihii, markaa ayuu waydiiyay: meeqaan bixiyaa?
Gabadhii waxay ku jawaabtay: Gaajo ayaan kaa dareemay, hooyadayna waxay na bartay in naxariis hadii aan falno in aanan lacag ku qaadan.

Howard wuxuu yiri: haddii ay saas tahay, kal iyo laab, waan kaaga mahad celinayaa axsaanka aad ii fashay .. Howard wuu soo tagay isagoo dareemay naxariis iyo rayn-rayn aanan la suurayn-karin galabtaas.

Sanooyin badan ka dib, gabadhii way xanuunsatay, xanuunkeedii waa lagu wareeray, tuuladii ay joogtay ayaa laga soo kaxeeyay oo waxaa la keenay isbitaalka wayn ee magaalada.

Takhaatiirtii ka shaqaynaysay isbitaalkii lagu soo xawilay waxay isku dayeen in ay ogaadaan xanuunkeeda, markay iyagina ku adkaatay in ay gartaan xanuunkeeda ayaa waxay xaaladeeda la socodsiiyeen dhakhaatiirta ka sarraysa.

Takhaatiirtii lala tashtay waxaa ka mid aha dr.howard kelly .. markii loo sheegay meesha ay ka timid haweenta xanuunsan wuu isbadalay durbadiiba, dareen ayaa galay, wuxuu ka codsaday takhaatiirtii xaalada uga sheekeynaysay inay u tilmaamaan qolka ay jiifto.

Dhakhtarkii wuu dul yimid haweentii xanuunsanayd, inkastoo xanuun iyo duruf ka muuqatay laakiin horay ayuu ka gartay. Wuxuu dr. howard go’aansaday markuu ka soo laabtay qolka ay jiiftay in uu si gooni ah uga war qabo, xaaladeedana uu gacanta ku hayo illaa ay ka bogsanayso, Takhaatiirtii kalane wuu la socodsiiyay in xaaladeeda saacad saacad loo la socodsiiyo .. Akhiiran waa lagu guuleestay in la daaweeyo oo alle ayaa caafiyay haweentii.

Wuxuu dr. howard ka codsday xafiiska lacag qabashada isbitaalka in biilka haweentaas la soo marsiiyo inta aanan loo gaynin .. Warqaddii biilka isbitaalka ayuu meesha hoose wax kaga qoray, kadib ayuu yiri: hadda ha loo geeyo.

Islaantii oo naxsan oo ka fakarayso lacagta lagu soo dallici rabo inta ay noqon doonto iyo sida ay ku bixin lahayd maadaama uu kharash badan ku baxay, ayaa warqadii loo keenay.
Markii ay warqadda aragtay way ka naxday lacagta qoran iyo tiradeeda, kadib ayay waxay meesha ugu hooseyso warqadda ku aragtay hadal gacanta lagu qoray oo ah “paid in full with one glass of milk” taasoo macnaheeda ah: “Waxaa lagu wada bixiyay hal koob oo caano ah”

Haweentii farxad darteed ayaa illin soo dhaaftay, illeen way ka shakisnayd takhtarkaan wayn oo subax kasta dul taagan, wajigiisane meel ay ku sheegtane maysan garanayn . Kadib ayay waxay ku tiri: “kal iyo laab waan kaaga mahad celinayaa axsaanka aad ii fashay”.
Fiiro Gaara Ah;
Dr. Howard Kelly wuxuu ahaa takhtar ku taqasusay cudurrada haweenka ku dhaca “Gynecologist” oo aad looga yaqaanay dalka Maraykanka waqtigii uu noolaa, waxaad ka akhrisan kartaa taarikhdiisa halkaan: https://en.wikipedia.org/wiki/Howard_Atwo kelly