Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Erdogaan Oo Soo Goostay Xargihi Gidaarkiina soo Jabiyey .. Turkiga Oo Liibiya Ku Daabulaaya Diyaarado Dagaal, Gawaari Gaashaaman Iyo Saanad Xad Dhaaf Ah

Friday - May 29, 2020


Dowladda Turkiga ayaa awood Militari oo dheeri ah ku daad gureysay gudaha Dalka liibiya oo uu ka socdo loolan adag oo u dhaxeeyo dowlado badan oo mid kasta ay dooneyso inay ka faa’ideysato shidaalka iyo kheyraadka dalkaas uu hodanka ku yahay.

Maalmihii lasoo dhaafay Dowladda Turkiga ayaa sameysay Buunddo dhanka hawada ah oo labada dal si toos ah isugu xiraysa iyadoo diyaaradaha Xamuulka ah ee gawaarida gaashaaman iyo saanado kale oo Militari kusoo daadineyso Magaalada sedexaad ee ugu weyne dalka Liibiya ee lagu magacaabo Misraatah.

Saldhigga ugu weyne ee Turkiga ku leeyahay dalka Liibiya gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Misraatah ayaa waxaa maalin kasta ka daga diyaaradaha noocoodu yahay C-130 oo ah kuwa xambaaro Gaadiidka iyadoo la rumeysan yahay in halkaas laga dajiyey gawaarida nuuca aan xabaddu karin ah iyo saanado kale oo Milliteri.

Sida laga soo xigtay Dowladda Ruushka, Turkiga ayaa magaalada Misraata ku rakibtay difaaca cirka ee loo yaqaan MIM-23 taas oo awood u leh in ay dhulka soo dhigto diyaaradaha dagaalka, sidoo kalana waxay illo wareedyo Ruush ah sheegeen in dalka Qatar ay Liibiya ka dajisay diyaaradaha noocoodu yahay Q Globemaster.

Laba Diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha laheyn oo ay soo saartay Shiinaha ayaa todobaadyo ka hor lagu soo riday dalka Liibiya iyadoo loo adeegsaday qalabka uu Turkiga ku rakibtay gudaha wadankaas.

Dhanka Kale, Turkiga ayaa lasoo sheegayaa inuu ku xoojiyay saldhiggiisa ku yaal magaalada caasimadda ah ee Tripoli diyaaradaha casriga ah ee aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Bayraktar.

Tallaabada ay Turkiga ku xoojisay awoodeeda Militari ee Liibiya ayaa ku soo aadeyso kadib markii General Xaftar uu ku hanjabay inuu ciidamada Turkiga ee ku sugan Liibiya u dhigi doono cashir uu la Ooyo madaxweyne Erdogan.

Dowladaha Turkiga, Talyaaniga iyo Qatar ayaa heshiis ku ah inay taageero dhinac walba ah siiyaan Dowladda Liibiya oo ay aqoosan tahay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Dowladaha Faransiiska, Imaaraadka carabta, Ruushka, Masar, Sacuudiga iyo Suudaan ayaa iyagana la safan dagaal ooge xaftar oo rabo inuu awood Militari ku qabsado dalka Liibiya inkastoo hadda ay u muuqato in la wiiqay awoodiisa.