Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dulmigi Sacuudiga Oo Isa Soo Dabraaya .. Haweyney Ugu Yeertay Maxamed Bin Salmaan Abu Minshaar Oo La Xiray

Saturday - May 30, 2020




Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan xaaladda amni ee haweeney Sacuudiyaan ah, oo lagu warramay in la xiray kadib markii ay baraha bulshada “ku aflagaadeysay” dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman.

Amani Alzain, oo ah 40 jir deggan magaalada Jeddah, ayaa waxaa baraha bulshada ku beegsaday dad daacad u ah dowladda kadib markii ay Maxamed Bin Salmaan ugu yeertay magaca “Abu Munshar”, oo macnaheedu yahay “Aabihii Mishaarta”.

Maxamed Bin Salmaan ayaa caan ku noqday magaca “Abu Munshar” kadib markii wakiilo ku xiran dowladda ay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dileen suxufi Jamaal Khaashuqji, kaasi oo la rumeysan yahay in lagu jarjaray mishaar.

Arbacadii, cinwaan twitter oo loo yaqaan Maxaabiista Sharafta, kaasi oo la socda dadka lagu xiro Sacuudiga, ayaa ku warramay in Amani Alzain la xiray. Warkan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey kooxda u doodda xuquuqda aadanaha dadka Khaliijka ee Gulf Centre for Human Rights (GCHR).

Kooxda GCHR ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Amani Alzain, iyo dhammaan dadka la xiray ayada oo lagu xadgudbayo xuquuqda ay u leeyihiin inay fikradahooda muujiyaan, oo ay ku jiraan kuwa difaaca xuquuqda haweenka.

Sidoo kale, Arbacadii Golaha Xuquuqda iyo Xoriyadaha ee fadhigiisu yahay Geneva ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Sacuudiga inay shaaca ka qaadaan xaaladda ay ku sugan tahay Amani Alzain.