Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Aduunyoy Nin Ku Doona Ku Waa .. Waa Sheeko Nin Ay Gashay Hawo Madaxtinmo Oo Roogi U Ku Fadhiyey La Duulay

Wednesday - June 3, 2020



Nin baa hayi kacay oo hawo madaxnimo gashay oo wuxu kolba meel hirdiyaba, golihii suldaanka ayuu dalaq yiri ..  Ilayn waa nin hunguri madaxnimo ku waashaye, markiiba wuxu diiradda saaray in uu wasiirka kowaad ee Suldaanka noqdo. qalqaalo kadib iyo wuxuu boor ku galimeystaba waa u suuro gashay oo jagadi waa loo magacaabay.

ILayn mansab sidiisaba laguma waare, suldaanki ayaa Ninki wasiirkii kowaad ahaa xilkii ka qaaday .. Wasiirkii oo arrintii ka xun kana murugooday xilka laga xayuubiyey, ayaa Qol goglan oo roogag yaaliin mid ku fadhiistay .. Roogii ayaa dhaq-dhaqaaqay! Ka dibna waaba la duulay! Ninkii oo yaabsan, ayaa Haatuf la hadlay oo  ku yiri, “Madax-doon! Ku so dhowow Roogan duulaya! Waa adigan u waashay xukune ee doonaya Dal aad madax ka noqote, daafaha dunida ayaan kugu soo wareejinayaye ee ka dooro dalkaad xukumi lahayd.”

Markuu Roogi in muddo ah duulayay, ayuu Ninkii madax-doonka ahaa u dul geeyay meel lama degaan ah oo kulul oo magaalo cagaarani ku taala .. Madax-doon ayaa yiri Meeshani waa lama degaan oo kuleylkeeda ma xamili-kare fadlan iga kaxee, 

Roogi Okey buu yiri oo waa la sii duulay. wuxu haddana dul geeyay magaalo Baraf ka dhacayo, oo wada Cad, oo qabaw ah .. madax-doon ayaa Roogi waday ku yiri “Weligayba Baraf iyo meel sidan u Cad oo u qabaw ma arag ee iga kaxee,” 

Hadana Roogi waa la sii duulay. Wuxu markaan dul geeyay meel hayjad Duur ah oo Ugaar, Habar-duug iyo Shimbro ka buuxaan ..  Roogi-haatufka baa la hadlaayey Ninki madax-doonka ah wuxuuna ku yiri:  Waxay il tahay in ay halkani kuu-ahaan oo aad madax ka noqon ..  Ninki Madax-doonka ahaa ayaa yiri waar meeshan waa laysku cunayaaye iga kaxee oo gurigaygii igu celi! dabadeed halki ayaa madax-doon Riyadi Haatufka indhaha ku kala qaaday.