Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dhambaal Tusmo Caafimaad .. Calaamadaha Lagu Garto Gaaska ( Gastritis) Amase Loo Baaro Iyo Waliba Sida Loo Daaweeyo

Friday - June 5, 2020



Gaaska amase gastritis .. waa Boog ku timaadda dahaarka Caloosha oo wuxuu noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca (acute) iyo mid daba-dheeraada (chronic) .. Waxaana Gaaskaas inta badan sabab u ah
Isticmaalka Alcohol iyo gaajada laysku daawado iyo Aashitada calooshu oo aan dheeli tirnayn iyo In cuntada xawaashka badan la isticmaalo (spicy) iyo sido kale la istcmaalo daawooyinka la yiraah Anti-inflammatory drug sida asprin-ta.

Waxaa kaloo sababi-kara loona aaneeyaa Bakhtitire (bacteria) ku nool xuubka ku dahaaran Caloosha.
Haddii la daaweyn waayana caabuq ama humbu-luuluq (infection) ayuu kuu horseedayaa Boog ama Nabar (ulcer) dadka qaarna Cancer xagga Caloosha ahi ayey ku sababtaa.

Sido kale xanuunka Gastriga waxaa keena dhiig la’aan ku timaadda marka Calooshu ay weydo wax-yaabihii dabeeciga ahaa ee looga baahnaa in si sax ah ay u soo nuugaan ama ay u burburiyaan vitamin B12 .. waxaa xanuunkaas loo aaneya oo kale Infection ay keenaan Bakhtire (bacteria) ama viruska 

NB: haddii la daaweeyn waayo Gastric waxa imanaaya dhiigbax daran, waxaana suuragal ah inu keeno Cancer Calosha.

Calaamadaha lagu garto Gaaska(gastritis)? Yalaalugo (lab-labo), Mantag, Laabjeex iyo Mantag dhiig la socdo .. Inuu soo noqnoqdo xanuun xagga caloosha ah sidii nabar oo kale. Caloosha oo dibirta iyo Apitet xumo. iyo Miisaanka oo yaraada.

Sidee lagu garan/ aqoonsan karaa magaca cudurka iyo astaanta saxda ah?

Waxaa la sameeeyaa baaritaan. Upper endoscopy: waa qalab (tuubbo afka kamarad ku wadata) bukaanka afka laga geliyo ilaa caloosha lagu dhaadhiciyo, waxaa hubinayaa in calooshu ay leedahay wax caabuq ah ka dibna waxaa la sameeynaya biopsy waa hab lagu soo jaro sample yar oo tissue ah (wax yar ka mid ah hilibka caloosha ama gaskeeda) ka dibna shay-baarka (laboratory) ayaa lagu baaraa.

Baaritaan dhiig (Blood test): waxa la hubinayaa in unugyada dhiigga Cas (red blood cell) uu ku yaryahay bukaanka uu yahay dhiig la’aan (anemic). .. waxaa kalo wax lagu ogaada baaritaan Saxaro .. waxaa lagu ogaadaa in saxarada Bukaanka dhiig la socdo. 
Daaweynta (treatment): Marka la ogaado waxa sababay ama baktitiraha (bacteria) keenay, waxaa takhtarku ku qoraya daawo xireysa Acidka ay calooshu si deyso ama kuwa Acidka joojiya